23rd December 2024 admin Category :
Xilli gabal dhac ah, Bishii shanaad ee sanadkii 1984, ayaan gaari raashin u wada Koonfurta Soomaaliya waxaan ka soo raacnay magaalada Ceelaayo ee gobolka Sanaag. Gaarigaas ayaa u rarnaa Maxamed Xaaji Geele oo maanta ka mid ah xildhibanada baarlamaanka Soomaaliya iyo Askar Xaaji Axmed. Gaarigii aan la soconay markii uu ka soo dhaqaaqay magaalada Ceelaayo, ayaa rikaabkii gaariga saarnaa waxay is waydiiyeen halka ay caawa ka cashayn doonaan . labada magaalo ee Boosaaso iyo karin . Rikaabkii gaariga saarnaa waxa isku raaceen in Boosaaso dusha laga maro oo loo casho tago magaalada karin ee gobolka Bari. Waqtigaas magaalada Boosaaso jid laami ah ma lahayn , deked weyna haba sheegin, Arintaasi waxay kuu cadaynaysaa in Boosaaso loo xiisayn jirin sida maanta loo wada xiiseeyo
Muddo yar ka dib dawladdii SIyaad bare ay labo mashruuc oo horumarineed siisay gobolka Bari kuwaas oo kala haa Deked Iyo jid laami ah. Mashaariicdan ayaa waxa gacanta ku dhigay oo lo dhiibay aqoonyahano reer Bari ah oo ka duwan kuwa maanta jooga oo qaylo weynayaasha ah oo dhaqankii Xasan Xaad qaatay iyo inay ka qayliyaan warbaahinta.
Aqoonyahanaad waxa ka mid ahaa Xildhibaanka Soomaaliyeed oo maanta ku caan baxay Odaynimada Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda Dr. C/risaaq Xasan Juurile, oo ka soo jeeda Beesha Dishiishe, Juurile isaga oo aqoontiisa iyo danta guud fiirinaya jidkii Laamiga ahaa uma weecin magaalada Beeshiisu degto ee Karin ee wuxuu sameeyey sidii danta guud ahayd, Jid cadihii Boosaaso ka bixi jiray xilligaas magaalooyinkii uu mari jiray oo dhan , dhamaan maanta Laamiga wuu maraa aan ka ahayn magaalada Karin.
Maanta balaarinta dekedda Boosaaso waa dan guud, magaaladana waxay u yeeli doontaa weji ka duwan kan ay maanta leedahay, sidaas awgeed inta la qaylinayo oo la hor taagan yahay warbaahinta , oo islaan Muqdisho Mooshin ka keentay la buun buuninayo waxa ka fiican in bulshada reer Bari iyo madaxda Puntland is hor fariistaan oo laga wada hadlo waxa lakala tabanayo.“sideey xeego xeego u noqotaa ilkona u nabad galaan”
Ugu danbayntii Bulshada Gobolka Sanaag, dekedda Boosaao waa deked ay iyagu leeyihiin, haddii la horumariyano waa faaiido u soo korortay oo ay ka faaiidaysan doonaan oo aan laga lahayn . Arinta ah DP world looma soo dhowaan karo, maaha mid maanta u baahan in laga qayliyo oo loo arko masiibo soo socota ama dhul loo diidan yahay horumarka . Dhibaatada gobolka Sanaag maanta ka jirta ee u baahan in laga hadlaa maanta waa Argaixisada dadqalatooyinka ah iyo Ismaaciil xaaji nuur iyo SNM
Allsanaag.com