28th February 2025  admin  Category :

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dib ugu laabtay dalkiisa, kadib markii uu wada-hadallo kula yeeshay Muqdisho madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Villa Somalia, kulanka labada hogaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyagoo adkeeyay xiriirka taariikhiga ah iyo derisnimada soo jireenka ah ee labada shacab oo ay aasaas u tahay is-ixtiraam qarannimo iyo ka dheeraanta faro-gelinta arrimaha gudaha dal kasta.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in ay “wadajir u soo dhaweeyay is-afgaradka ay gaareen Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka Soomaaliya (SNA) iyo Ciidamada Difaaca Ethiopia (ENDF), kaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka, waxa ayna bogaadiyeen billowga wadahadallada farsamo ee ka socda Ankara oo muujiyey sida ay labada dal uga go’an tahay wada-hadal wax-ku-ool ah iyo iskaashi mirodhal ah.”

Xiisad diblomaasiyadeed ayaa cirka isku shareertay sanadkii hore kadib markii Itoobiya ay heshiis la saxiixatay Somaliland, si ay uga hesho marin badeed.

Hase yeeshee, bishii Janaayo ee sanadkan, labada dal waxay ku dhawaaqeen inay si buuxda u soo celiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed kadib heshiis nabadeed oo ay Turkiga garwadeen ka ahayd bishii hore.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya, oo codsaday in magaciisa la qariyo, ayaa Arbacadii u sheegay AFP in booqashada Abiy ay “qayb ka tahay dadaal ballaaran oo lagu dhammeystirayo laguna hirgelinayo heshiiskii Ankara,” isaga oo ula jeeday heshiiskii lagu saxiixay caasimadda Turkiga.

Somaliland ayaa sheegtay in heshiiskii ay la saxiixatay Itoobiya bishii Janaayo 2024 uu horseedi lahaa in Addis Ababa ay aqoonsato madax-bannaanideeda—inkasta oo Itoobiya aysan weligeed si rasmi ah u xaqiijin—taa beddelkeedna ay Itoobiya heli lahayd saldhig badeed, maadaama ay tahay dal aan lahayn xeeb.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga falcelisay heshiiskaas, waxayna u yeertay safiirkeedii u fadhiyay Itoobiya.

Inkasta oo dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo Itoobiya ay dhacday, haddana mustaqbalka heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland weli waa mid mugdi uu ku jiro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*