22nd February 2025  admin  Category :

BOOSAASO: Ciidanka boliceka puntland, ayaa habeen hore saacadu markay
ahayd 2:00 pm habeenimo ayaa waxa ay soo garaaceen albaabka gurigayga
markii aan ka furnayna iyaga oo aan waxba na weydiin waxa ay na
saareen gaadhi shabaqle ah oo ay iyagu wateen, waxa gaadhigaa ka
horeeya gaadhi yar oo madow oo aan la arki karin cida ku jirta waxaana
saarnaa sida nooga muuqatay nin kala garnaya guryaha ay u socdeen
Ciidankani ka dib markii laga qaaday gurigayagii 3 nin oo aan anigu ku
jiro waxa uu u dhaqaaqay gaadhigii dhinaca hoteel Bilaal oo ah
hoteelka ugu caansan uguna da,ada weyn ee ku yaala xaafada Hawlwadaag
, waxana laga soo kaxeeyey hotelkii 4 nin oo laba ka mid ahi yihiin
wiilasha hotelka leh waxana lagu soo dhex tuuray gaadhigii shabaqlaha
ahaa iyaga oo askartu ula dhaqmayso sidii niman denbillayaal ah.

Waxa ku xigay oo lasoo baadhay hotel Ibraahim oo isna wadada ku yaal waxana
laga soo kaxeeeyey 3 wiil oo iyagu hurday waxaa lagu xejiyay guriga
Coondhe oo ku yaal isna jidkaasi dabeetana waxa loo dhaqaaqay dhanka
Buulo qodax waxana si toos ah loo abaaray guri dabaqa oo ay leedahay
gabadh la yidhaahdo Sureer waxana laga soo kaxeeyey 4 wiil, ka dibna
iyadoo aan hareeraha la eegin ayaa gawaadhidii si toosa waxa ay isugu
daba galeen guriga maamulaha iskoolka secondariga boosaaso Siciid
Cismaan Siciid Fisikis, waxana laga soo kaxeeyey 2 wiil saacadu markaa
waxay maraysaa 2:55 pm intaasi waxaa sii dheer guri walba oo la galay
aad ayaa loo baaranayey waxana laga qaaadanayey moobilada labtoobyada
iyo waxyaabaha fudud oo la qaadi karo , waxa naloo soo gelbiyey
dhinaca xabsiga bartamaha , markii nala keenay ka dib waxaa nalaku
wareejiyey taliskii xabsiga waxana uu yidhi taliyihii na wareejinayey
waa kuwan 20 kii nin ee aan kasoo qabanay guryihii calaamadsanaa ee
nagala wareega , sida xoolo yarad loo bixinayo ayaa ragna na warejiyey
ragna na gudoomay oo nala wareegay , waxaa nala geeyey qolal aad u
qudhmuun caafimaadka dadka ku jiraana aanu wanaagsanayn oo waxa ku
jiray dad aad ugu baaba,ay oo tiradoodu gaadhayso 250 qof iyo qolal
labo ah iyo daarad yar intaasi ma qaado 50 qof ay dadkaa badani ku
jiraan , waagu haduu baryey ayaa saf naloo geliyey dhinaca xafiiska
taliyaha waxana ay naga qaadeen sawiro iyada oo askartuna hadba qori
sanka naga gelinayaan ayna leeyihiin waa qoladii atom waa ragii
nalaayey ayaa nala keenay xafiiskii , xafiiska waxa fadhiya 5 nin
waxan ay ku weydiinayaan su,aalo dhowr ah oo ay ka mid yihiin ,
*yaad tahay qabiilkaa , yaadkasii tahay, yaad kasii tahay ? hooyada
qoladeed? maxaad ka shaqaysaa? buurta ma tagtaa? hebel dilkiisi maxaad
ka ogeyd? boosaaso maka baxdaa asbuuciiba hal mar? maxaa xaafadiina
lagaga sheekaystaa? ,,,,,,, intaasoo su,aalood ka dibna waa lagu
siidayn hadii waalidkaa uu yimaado meesha waxna uu bixiyo hadii kalese
waa lagu celin ,

maamulka puntland si aad ah ayuu ugu xad gudbayaa xuquuqda banii
aadamka weliba qabiilooyin gaara , beesha reer sanaag ma ka helaysaa
inay ahaato sidaan ku dhacda maalin walba iyo ihaanada lagu hayo
odayada waaweyn ee wax garadka ah la baadhayo habeen walba guryohooda
iyo hoteladooda , lana kaxaysanayo wiilashooda iyagoo u jeeda ?
maxay tahay ujeedada maamulka puntland ayuu ka leeyahay falalka
xaqdaro ee habeen walba lagu kaco xaafada ay deganyahiin dadka reer
sanaag ?

Askariga ka tirsan maamulka puntland waxa uu sitaa waraaq uu ku baadi
goobo dad gaara guryohoodana ku baarto hadaba amniga puntland yaa ka
masuula yaase duminaya?

sharmaa jaanle

Reply

Reply all

Forward

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*