7th January 2025 admin Category :
Maamulka Somaliland ee Xaruntiisu tahay Hargaysa ayaa markii ugu horaysay qirtay inay iska indho tiri jireen alshaabka u socda degaanada Puntland
Maamulka Somalilnd wuxuu si cadaan ah u taageeri jiray Kooxaha Argagixsada ka dagaalama buuraha Calmadow isla markaana 16 kii sano ee lasoo dhaafay Boosaaso dhibka weyn ka gaysan jiray sida qaraxyo,dil qorshaysan iyo ficilo ka fog islaamnimada
Maamulka Soomaaliland qorshihiisa khalkhalinta amniga Boosaaso wuuxuu uga jiray qorshayaasha ugu horeeya wuxuuna abaaabuli jiray mudo dheer marinka ay maraan kooxaha aragagixisada ee Ceerigaabbo,Yube ilaa Calmadaw sidoo kale wuxuu siin jiray Saad iyo Saanad hub noockasta si amniga Boosaaso khalkhal baahhsan loogu gaysto
Laaamaha amaanka Puntland oo tiraba dhawrjeer soo bandhigay marinka ay soo maraan dhamaan kooxahaas inay yihiin Ceerigaabo ilaa Burco ayna uga gudbaan Calmadaw ayaa iska indha tira ka hortagid ay ku sameeyaan marinkaas xitaa waxay si cad indhaha uga qarsadaan maleeshiyaadka soo mara Yube ilaa Jiidali taaso hadhaw qiimo qaali ah uga kacda marka ay Boosaaso ka gaystaan falal Aragagixiso
Haatan iyadoo loo wada jeedo waxaa qirtay marinkaas Taliyaha Sirdoonka Soomaalilaand isagoo sheegay in Berbera ilaa Ceerigaabo ay tahay marin Aragagixiso
Dowladihii soo maray Puntland marka laga reebo xukumadii Cabdiweli Gaas oo dhawaq dheer ku sheegtay in SL ay taakulayso kooxaha Argagixisada ayaa ugu dhawyd halka xukuumadii Faroole iyo kalkii hore xukuumadii Dani aysan haba yaraate qorshaha ugu jirin ka hortagida marinka kooxaha Argagixisada ee Yube,Jiidali ilaa Ceerigaabbo
Ani waxaan la kulmay nin iisheegay raashinka laga iibiyo in loogayn jiray. Nimanka galgala ku jira magaalada lagasoo iibin jirayna waxaa lataliya somaliland
Been sheegi maayo. Oo dhaba taas baan ku ogaaday in somaliland taageero siiso ururada ka dagaalama somaliya
Hon Axmed Gaas