23rd December 2024  admin  Category :

Qaar ka mid ah dadka caanka ah baraha bulshada ayaa aad uga falceliyay warka ku saabsan geerida Ayman Al-Cali oo loo yaqaanay “Mr. Jordan” kaas oo geeriyooday maanta oo Isniin kadib halgan dheer o la galay xanuunka Kansarka oo uu u dhintay ugu dambeyntii.

Dad badan ayaa isugu soo baxay baroor diiqda geerifa ninkaan dhalinyarada ahaa oo da’diisu ay ahayd 23 sano, iyagoo isticmaalaya sawiradiisa ka hor iyo ka dib markii laga helay kansarka caloosha sanad ka hor.

Al-Cali ayaa taageerayaashiisa kula wadaagay barta uu ku leeyahay Instagram sawirro intii uu ku jiray xaaladda daweynta ee cudurka, isaga oo sawirkii ugu dambeeyay la galay hooyadiis.

Maalmo ka hor dhimashadiisa, hooyadii oo murugo ka muuqato, ayaa sheegtay in daawaynta loo adeegsanayay kiimikooyinka ee wiilkeeda ay joogsatay, uuna kaliya ku tiirsan yahay isticmaalka xanuun baabi’iyaasha, kuwaas oo uu isticmaalayay maamlmihii ugu dambeeyay ee noloshiisa.

Hooyo kasta waxay jeceshahay inay iyadu xanuunsato halkii uu ka xanuunsan lahaaa ilmaheeda ay jeceshahay, laakiin tani waa qadarka Alle, mana jirto wax diidaya xukunkiisa, waxaan Alle uga baryayaa hooyo kasta oo maraysa xanuunka aan marayo oo kale” ayay tiri. , sida ay sheegtay warbaahinta gudaha dalkaas.

Xigashada Sawirka,Social networking sites

Boqorad Ghida Talal, aasaasaha iyo madaxweynaha Xarunta Boqor Hussein ee Kansarka halkaas oo Ali lagu daweynayay intii uu xanuunsanayay, ayaa waxa uu ku soo daabacay boggiisa X, ” Waxa aan ku soo xasuusan doono miigahane cajiibka ah ee reer Jordan, Ayman Ali ayaa waxay noqon doontaa, dhoola cadeyn, rajo fiicnaan iyo nolol jacayl ka buuxo.”

Waxay intaas ku dartay: “Booqashadaydii ugu dambeysay ee Ayman waxay ahayd maalmo uun ka hor oo aan tagay Xarunta Kansarka ee Boqor Hussein, waxayna ahayd waqti aad ii taabanayay. Isaga ayaa ahaa qof gacanta I qabanayay oo ii qalbi qaboojinayay, waxaana dareemay nin karmeednimadiisa, waxaanan fahmay in taasi ay u fududeyn doonto inuu si geesinimo leh ula kulmo kansarka.”

Al-Cali ayaa waxa uu yiri ka dib markii laga helay kansarka, “Cudurku wuxuu u baahan yahay nin karmeednimo si loo xakameeyo, uma baahna wax kale.”

Bishii September ee sannadkii hore, Al-Cali wuxuu ku dhawaaqay inuu ka qalin-jabiyay Jaamacadda Hashimite ee magaalada Zarqa ee dalka Urdun, wuxuuna xilligaas yiri, “Tani waa caqabadii ugu horreysay ee aan ka gudbo. Waxa hadhay caqabad labaad oo ah la dagaalanka kansarka, Insha Allaahu, dhawaan”.

Dhamaadkii sannadkii hore, Al-Cali ayaa muuqaal uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka ku sheegay, isagoo ka jawaabayay su’aal ay waydiisay mid ka mid ah taageerayaashiisa, in muddo laba toddobaad ah laga hor istaagay inuu wax cuno, waxna cabbo, isla markaana uu isticmaalo nafaqooyin la dhexmariyay dareerayaal intii uu ku jiray muddada daaweynta cudurka.

Mid ka mid ah dadka miiganayaasha ah ee saamaynta ku leh baraha bulshada ayaa waxa uu sheegay in qisada Ali ay gilgishay, wuxuuna Ali ku tilmaamay inuu ahaa nin caan ah oo wax ku qora baraha bulshada, wuxuuna yiri “Ilaahay wuxuu ku imtixaanay cudur halis ah, muddo yar gudaheedna xaalad kale ayuu galay, balse ma uusan lumin rajada uu Alle ka qabay.”

Qof kale oo isna u tacsiyeeyay Al-Cali, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay xaalka Ali. Waxa uuna yiri: “Geesigii Ayman, Boqorka Urdun, wuu dhintay.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*