20th September 2024  admin  Category :

MADAXWEYNAHA OO KA QEYBGALAY AAS QARAN OO LOO SAMEEYAY AHUN XILDHIBAAN CALI AXMED MAXAMUUD OO KA TIRSANA GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA PUNTLAND.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa ka qeybaglay galabta Aas Qaran oo loo sameeyay Allaah ha u naxariistee Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo Ku geeriyooday Shil gaari.

Munaasabadda Aaska Qaran waxaa Sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise , Goleyaasha Dowladda Puntland, Qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Qoyskii iyo Qaraabadii AHUN Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*