19th September 2024  admin  Category :

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta in ay ku guulaysatao jagada guddoomiyaha ururka Midowga Afrika oo hadda uu ku fadhiyo Musa Faki Mahamat.

Soomaaliya oo la sheegayo in ay kamid tahay musharrixiinta ugu cadcad ee kursigan ayaa waxa ay u soo xulatay in ay jagadaasi u tartanto Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Waxa ay la tartamaysaa Raila Odinga oo Kenya ay u wadato in uu kursigaan ku matalo maadaamada jagada ay sanadkan leeyihii dalalka Bariga Afrika.

Haddaba kursigan muxuu uga dhigan yahay Somaaliya? Halkee ayuu marayaa loollanka ay Muqdisho ku doonayso in ay ku hanato hoggaaminta Nidowga Afrika?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*