16th September 2024  admin  Category :

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo dib u furaya xadka labada dal.

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, ayaa go’aan ka gaaray in dib loo furo xadka u dhaxeeya si habeysan muddo sagaashan (90) maalmood gudahood ah oo ka bilaabaneysa maanta 15-ka May 2023.

Barta xuduudka Mandheera iyo Buled-Xaawo  degmada Mandheera, ayaa dib loo furi doonaa soddon (30) maalmood gudahood, iyadoo dib loo furi doono barta xadka Liboi-Harhar/Dhoobleey ee degmada Gaarisa 60 maalmood gudahood.

Sagaashan (90) maalmood laga bilaabo maanta, barta Daresalam ee Kiunga-Ras Kamboni borde, ee maamul goboleedka lamu, ayaa dib loo furi doonaa. Barta afraad ee soohdinta ee degmada Wajeer,ayaa loo tixgelin doonaa in la furo waqti dambe.

Kenya iyo Soomaaliya waxa ay si joogto ah uga wada shaqayn doonaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen khibradaha, hawlaha iyo ka-qeybgalka xuduudaha, iyaga oo maskaxda ku haya isbeddellada Amni ee soo baxaya iyo dhaqdhaqaaqyada ka gudbaya Xaduudaha Qaranka, gobolka iyo kuwa qaaradaha.

Kulankan heerka sare ah ayaa ka dhacay guriga Harambee, oo ay ka soo qeyb galeen, Mas’uuliyiin kala duwan oo labada dowladood ah.

.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*