17th October 2024  admin  Category :

Shacabka Gobolka Sool oo horay looga cunaqabateeyey deeqaha Caalamku siiyaan Soomaaliya , si aan looga caraysiin maamulka Hargaysa ayaa hadda waxa ugu soo siyaaday maleeshiyaad ka soo jeeda beesha Isaaq oo magaaladdii go’doon geliyey.

Go’doonka magaalada Laascaanood la geliyey, xabadda habeen iyo maalin ay ridayaan maamulka Hargaysa, afduubka maleeshiyadkaas iyo cunto yaraan magaalada soo foodsaartay ayaa qoysaskii magaalada qaarkod ku khasabtay inay magaalada ka barakacaan oo ka cararaan afduubka SNM.

Qaar ka mid ah qoysaskii barkacay magaalada ayaa hadda qaarkood qarka waxay u saran yihiin inay macaluul u dhintaan, Dawlkaddii federaalka, ilaa hadda SNM ayeey raali gelinaysaa oo kama ayna hadlin dhibta ka jirta Sool sida ay uga hadlaan degaanada beelaha Hawiye

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*