16th September 2024  admin  Category :

Xariga ka jarka dakadda Cusub ee Garacad Puntland

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dawladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si wadajir ah xariga uga jaray wajiga kowaad ee Dekedda Garacad ee gobalka Mudug.

Munaasabadda xarig ka jarka oo socota ayaa waxaa kamid ah madaxda ka qeybgalaysa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale iyo wafuud kale oo ka socota dalalka Geeska Africa.

\\

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*