28th March 2024  admin  Category :

Beelaha Muqdisho dagaaladdii sokeeye ma inay ku adkaadeen ayeey isu haystaan?

Marka aad aragto dhaqanka Siyaasiyiinta Muqdisho iyo sida ay u dhaqmaan iyo sida siyaasiyiinta kale ee Soomaaliyeed uga aamusan yihiin, Caddalad darada, sadbursiga ay had iyo jeer sameeyaan Siyaasiyiinta HAG, ayaa waxa is waydiinaysaa in Beesha Muqdisho ay ula muuqatay inay ku adkaadeen dagaaladdii sokeeye ee Soomaaliya, beelaha kalena ay iyaga isu dhiibeen

Sanadkii tegay horaantiisii Ra”iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa daah furay bilaabashada mashruuc lagu dhisayo waddooyinka xiriiriya Muqdisho,Afgooye iyo jowhar.

Dowladda Qadar ayaa la sheegay inay maalgelineyso dhismaha waddooyinkan isku xira magaalooyinka Muqdisho,Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Gobolada Banaadir iyo Labada Shabeelle.

Lacagta ku baxaysaa waa $200,000,000 (labo bql oo milyan oo doolarka Maraykan ah)

R’aisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, bishii May, isaga oo ku sugan Puntland waxa uu diiday inuu dhagax dhigo Dekedda Garacad ee laga dhisayo gobolka Mudug.

Labo bil ka dib, bishii sideedaad ee sanadkaas Wasiirrada dekadaha Soomaaliya iyo Qatar, Maryam Aweys Jaamac, iyo Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa si wadajir ah u shaaciyay in la billaabayo dhismaha dekadda Hobyo ee goblaka Mudug.

Dowladda Qadar ayaa sheegtay in dekadda Hobyo ku maal-galinayaan lacag dhan 174 milyan oo doollar.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku hakiyey fulinta heshiis maanta Muqdisho ay ku kala saxiixdeen wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Howlaha Guud iyo Duqa Muqdisho kaasi oo ku kacaya 112 Milyan oo dollar

Mashruuca heshiiskan ayaa qorshuhu yahay in lagu dhiso magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe, iyada oo magaaladiiba ay heleyso 28 milyan oo dollar.

Sababta loo hakiyey lacagtan ayaa ah in beelaha Hawiye ee degankoodu yahay Hirshabeelle iyo Galmudug oo lacagtan magaca Caasimad beeneedka Muqdisho uga helay 28 milyan oo lagu daray 170 milyan oo ay horay ugu heleen dekeda Hobyo iyo labada boqol oo milyan ee jidadka Muqdisho, Afgooye iyo Jowhar ayaa hadda ka waayey 28 Milyan oo Jowhar la siiyo iyo 28 milyan oo Cadaado la siiyo.

Ugu danbayntii marka beesha Hawiye ay magaca Soomaaliyeed ku heshay Nus Bilyan oo doolar, halka

beelaha Harti ee dega Sool iyo Sanaag ayan doolar helin, Jidkii Ceel daahir uu qabyo yahay, alshabaabkii buuraha Cal madow lagu daawnayo soo uma muuqato in ayna Dawlad Soomaaliyeed jirin ee beeli isu aragto in dagaalkii sokeeye ay iyagu ku adkaadeen ayna mudan yihiin inay wax kasta oo lagu helo magac Soomaaliyeed ay iyagu leeyihiin.

Maanta markii la hakiyey lacagtii $112 milyan ahayd, la taliyaha madaxweynaha Hirshabelle Xasan Cabduqaadir Muudey , ayaa sheegay in labada wasiir ee Qorshaynta iyo maaliyadda ay ku nool yihiin canshuurta laga qaado beelaha Hawiye, sidaas awgeedna ay ku laabtaan meelihii ay ka yimaadeen.

Muudeey iyo Khayre isbedel samayn maayaan oo sidan ayaa lagu jirayaa ilaa ay ogaadaan inaanay beeshoodu ku adkaan dagaaladdii sokeeye ee dalka ka dhacay, caasimadda Soomaaliyana laga rari karo Muqdisho oo la gayn kato magaalo kale ee Soomaaliyeed, Sidoo kale sida loo hakiyey 112 milyan waa in loo hakiyaa $ 170 milyan ee dekedda Hobyo iyo $200,000,000 milyan ee jidadka Muqdisho

Allsanaag.com

3 thoughts on “$500,000,000 Hirshabelle, Galmudug iyo Banaadir

  1. raage

    commentiga baraha bulshada ee Dr Mohamoud Gaildon I said it at the time, and I am saying it now: That was an act of high treason, and Khayre and Farmajo should have been removed from office. That’s if we have the most basic understanding of what it means to be a nation and have a sovereign state.

    Reply
  2. RAAGE SAÏD

    THEY WILL RETURN ABROAD TO TELL THEIR MASTER THAT THEY HAVE NO RIGHTS IN THIS COUNTRY, SINCE THEY HAVE NO AUTHORITY AND NO POWER BEYOND THREE BLOCKS !!!!!

    Reply

Leave a Reply to RAAGE Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*