29th March 2024  admin  Category :

Ma Majeerteen ayeenu is dhiibnay mise maamul ayeenu wada samaysanay?

Dhowaan ayeey ahayd markii Agaasimihii Hay’addii Puntland ee BSF Maxamuud Diyaano, xilka laga qaaday uu isaguna diiday inuu xilka ka dego, maalin ka dibna ay qaar ka mid ah Isimada Majeerteen ay ku taliyeen in magdhow Gaadiid iyo Guryo ah la siiyo wiilka ay u arkaan in laga gardaran yahay mar haddii shaqdiauu aabihii uga dhintay laga qaaday.

Agaasimaha Xilka laga qaaday kuma uuna joogin amar diidkii dawladda Puntland ay beeluhu wada samaysteen, ee wuxuu madaafiic aan loo aabo yeelin ku garaacay jihooyinka magaalada Boosaaso, ee aan ka ahayn dhanka waqooyi ee ah Badweynta Hindiya.

Wiilkii sidaa u dhaqmay ee argagaxa ku riday Bulshada Boosaao, maanta Isimaddii iyo Siyaasiyiintii Majeerteen, waxay Boosaaso u joogaan siddi ay u raali geli lahaayeen Maxamuud Diyaano, walaakiis iyo Hooyadood.

May be an image of 2 people, people standing, suit and indoor

Hadaba maxaa ka horeeyey Xil ka qaadista Agasimaha Maxamuud Diyaano, ee ka soo jeeda beesha Majeeteen. Waxa ka horeeyey Xil ka qaadistii Gudoomiyihii Baarlamanka Puntland Cabdikariim Dooba daareed, oo hayey xilka ugu sareeya ee beesha Warsangeli ee ku salaysan wax wada qaybsiga beelaha Puntland oo inta hoygissii la duqeeyey, dadna lagu dilay , sidaasna xilka looga qaaday. Majirin beel isu habar wacatay xil ka qaadista Gudoomiyaha, taa bedelkeeda inta bulshada gobolka Sanaag waxay taageereen maamulka Puntland oo ay markaa is hayeen koox Federaalka ah oo doonaysaay inay maamulka burburiyaan oo beelaha iska hor keenaan.

Qaylo dhaanta ay Isimada iyo Siyaasiyiinta beesha Majeerteen ay maanta isugu habar wacdeen ee marmarsiinyo ka dhiganayaan Puntland ayaa la bad baadinayaa, ma jirin maalintii Dhooba daareed xilka laga qaaday, ma jirin baqdin beeleed oo sida Boqor Burhaan iyo In Diyaano laga baqayey inay Boosoo iyo Garowe madaafiic la dhacayaan

May be an image of 2 people, people standing, suit and indoor
May be an image of 2 people, people sitting and indoor

Waxa xilka isagana laga laga qaaday maalintaas Cabdi Jamaal. oo ka mid ahaa Xildhibaanda laga soo doorto gobolka Hayland.

Cabdi Jamaal wuxuu ka mid ahaa hogaamiyaashii diiday in khayraadka Buuraha Cal madow la boobo oo loo samaysto maleeshiyaad kuwa baaranaya ilaaliya . Waxa laga dilay intii Qoyska reer Diyaano haysteen ha’ayadda BSF Wiil uu dhalay, walaalhiis la dhashay Axmed Caalim iyo Cali Nirig. Waxa lagu dilay Boosaaso iyo Buuraha Calmadow. Waxa la dilay walaakiis kale, oo ahaa Taliyihii saldhiga Booliiska Biyo kulule Axmed Xasan Xaaji Dhoonge. Lama yaqaan wax dilay, ilaa maanta cid looma qaban dilalakaas, Magdhowna hadalkeeda daa

Waxa la dilay nabadoonkii Galgala, waxa lagu dilay Boosaaso. Lama yaqaan waxa dilay nabadoon Allah ha u naxriistee Xusee Gurhan. Waxa la dilay oo aan la aqoon waxa dilay Cali Diib, Saalax Sool, Adan Jaamac Sool Faysal Cakaal, Cige Dheere, Bucurde, Jaamac gaab iyo in badan oo kale oo ka soo jeeday Beesha Warsangeli, cidda dishay lama yaqaan waxaana lagu dilay Boosaaso iyo Galgala . Waxa ka mid ahaa dadkii kale ee la dilay taliye ku xigeenkii Ciidanka Booliiska Puntland Allah ha u naxariisto Jaamac Saxardiid.

Waa Gurigii Cabdi Jamaal ee magaalada Boosaaso, oo dagaalkii Majayahan ka dib madaafiic lala dhacay

Xildhibaanka intaas oo dhibaato ah ay ku dhacday, wuxuu ahaa abaanduulihii ugu horeeyey ee la dagaalanka argagixisada, wasiir ku xigeenkii amniga, la taliye madaxweyne iyo markii ugu danbaysay oo uu ahaa aha Xildhibaan beeli soo dooratay oo inta maamulku xilka ka qaaday ku yidhi dadkaaga dhinac ka raac,.

Sidee ku dhacaday in Ina Diyaano oo aan hal qof uga dhiman Buuraha Calmadow, waxay dilaan maahee, darajona ahaa agaasime dhaxal ku helay xilka, in maamulka Puntland magdhow siiyaan, Xildhibaan Cabdi jamaalna lagu yiraahdo dadkaaga dhinac ka raac .

Hadaba in beesha reer Maakhir ay Majeerteen isu dhiibeen iyo inay maamul wada samaysteen, waxa la ogan doonaa sida ay uga jawaab celiyaan Hadalkii Boqorka Majeerteen ee ahaa Magdhow ha la siiyo Wiilka ay ilmo adeerta yihiin ee Ina Diyaano ee xilka laga qaaday cidna aan laga dilin.

Ugu danbayntii, dadkii ugu badnaa ee ku dhintay gobolka Bari inta la xasuusan yahay ee ka soo jeeda beesha Warsangeli waxay dhinteen intii maamulka Puntland jiratay 1998 ilaa 2016 . Waxa in laga xumaado oo laga dhiidhiyo ah in Isimaddii iyo siyaasiyiintii Majeerteen oo intaas oo dhacdo joogay oo Markhaanti ka ahaa, oo aan maalin ka hadlin inay maanta u fadhiyeen Boosaaso sida ugu fiican ee magdhow loo siin lahaa AGAASIME xilka laga qaaday , iyaga oo isticmaalaya dhaqaalaha maamulkii la wada samaystay

ALLSANAAG.COM

Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 677 Warning: Attempt to read property "user_id" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 28 Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 48 Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*