1st February 2023  admin  Category :

Wasiir Geele oo Hadhimo sharafeed ugu sameeyey Suldaan Siciid  beerta Hidda-Raac

Wasiir Dawlaha Wasaaradda Deegaanka isbedelka Cimilada Dawladda Puntland Cabdirashiid Cali Gelle , ayaa maanta Hadhimo sharafeed ugu sameeyey duleedka magaalada Garoowe beerta Hidda-Raac Suldaanka Guud ee beelaha Harti Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Garaad Calishire , Cuqaal , Wasiiro , Xildhibaano , Agaaaimeyaal, Dhalinyaro iyo aqoon yahan kasoo jeeda gobollada Sanaag iyo Haylaan .

Wasiirka oo ka rajo weyn inuu kamid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee Socda ayaa uga mahad celiyey in Suldaanka iyo Marti sharfeedkuba ay soo ajiibaan Hadhima sharafeedka , talo iyo ducona ugu daraan .

Ugu danbayntii guud ahaan dadkii Hadhimo sharafeedka ka soo qayb galay ayaa aad u soo dhoweeyey in Wasiir Cabdirashiid uu ka mid noqdo Baarlamaanka Soomaaliya, iyaga oo sidoo kale ugu hambalyeeyey howl karnimada uu biladda kaga helay Dawladda Puntland wasaaradda uu wasiirka ka yahay

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*