7th September 2024  admin  Category :

Farmaajo oo qoraal labo ujeedo leh soo saaray. Mar waxa uu sheegay madaxweynuhu doorashada waqtigeeda in la qabto marna waxa uu sheegay inay lagma maarmaan tahay muddo kororsi

Madaxweyne Farmaajo oo Soo Dhaweeyay Baaqa Golaha Wasiirada ee Doorashooyinka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay baaqa Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in doorashada soo socota ay ku qabsoonto waqtigeeda.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, iyada oo mar walba awoodda loo sii dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo weli rajo ka qaba muddo kororsi ayaa sii raaciyey hadalkiisa

Madaxweyne Farmaajo oo Soo Dhaweeyay Baaqa Golaha Wasiirada ee Doorashooyinka

Muqdisho, Luuliyo 09, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay baaqa Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in doorashada soo socota ay ku qabsoonto waqtigeeda.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, iyada oo mar walba awoodda loo sii dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa sidoo kale isaga oo muddo kororsi madaxa ku haya sheegay in ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*