28th March 2024  admin  Category :

Ninka Bidixda taagan wuxuu bililiqo ahaan uga haystay Guri ninka dhinaca Midig taagan sodon sano . Muqdisho waa ku badan yihiin Taakeeye

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta muwaadin Soomaaliyeed ku wareejisay gurigiisa oo si sharci darro looga heystay muddo 30 sano.

Gurigan oo ku yaalla degmada Kaaraan ayaa waxaa muddo xoog waxaa ku degenaa qoys Soomaaliyeed, waxaana arrintaas ay gaartay heer Maxkamadeed oo markii dambe loo xukmiyay muwaadinkii lahaa guriga.

Mas’uuliyiin uu horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay wehliyeen, Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshDa iyo maamulka degmada Kaaraan ayaa waxaa meel fagaare muwaadinka gurigiisa xoogga looga heystay loogu wareejiyay furihiisa.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uusan marnaba aqbali doonin in magaalada gudaheeda la isku baado oo xoog la isku heysto guryaha.

“Ma dhici doonto in guri ku yaala Magaalada Muqdisho xoog lagu heysto inta aan xilka hayo”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

2 thoughts on “30 sano ayaa Gurigiisa bililiqo lagu haystay

  1. Jirac

    Maashaa Allah “cumar filish” dhibaatadii USC ka geysatay Mogadishu wali waa ka soo kaban la’adahay waa 1% hada dadka guryahooda loo soo celiyey tolow dad ma ku dhex aasanyihiin cuqubada magaaladii ka facweyneyd Nairobi ee Daarusalaam gaarsiisay diinta Islam ka maanta iyadii eega burburka ka muuqda ee noqotay “xabaalihii umada somaliyeed 1991. Maanta waa 2021 magudbe XAAD oo ka yimid baaiyaha dhuusamareeb uu la taaganyahay UNUGAA leh oo waxaan xorowney 1991 oo hargeysa looga soo shubo waxaan xorowney 1991-hadana ku qoslin oo ku heesaya XAYAWAANKA XAMAR. Iyo 90 jirka galaal oo maalintuu ku qaylineyey DIBIR GIYNTA DAAROOD wali taagan oo u qaba inuu Daarood adoonsanjirey waa gartood oo waan lagala xisaabtamin danbigooda ay ka galeen umada somaliyeed ee qabiil kasta leh walee way adagtahay in dowlad somaliyeed ka hana qaado Somalia oo fadhigeedu yahay Mogadishu. We will see what happens anigu kolay waan ku farahsanahay in muwaadin somaliyeed oo dulmane ahaa 30 sano xaqiisa helo maanta oo 2021 ah. Iga raali ahaada

    Reply
    1. Muqtar Ahmed

      Anaga guryo Aya Malaga heysta qofkan gurigiisa la siiyayna waxa doorashada Ku galayo farmaajo hadii kale oo ey run tahay Halaalin Aya Laga wada Saari laha dadka guryaha masaakiinta heysta

      Reply

Leave a Reply to Jirac Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*