19th October 2024  admin  Category :

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Gabreab ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Socdaalkan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa noqonaya kii saddexaad oo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ku yimaado Muqdisho.

Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedada safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa la sheegayaa inay la xiriirto arrimaha iskaashiga Gobolka iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea, waxaase la sheegayaa in dowladda Soomaaliya ay ashkato ka keentay safarkii uu bishii la soo dhaafay ku tagay Hargeysa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*