7th January 2025 admin Category :
Musuqmaasaqii Nigeriya ee Maska iyo Daayeerku lacagta cunayeen dawladda Farmaajo ayaa ka daran
Bishii sagaalaad ee sanadkan , Dawladda Leberiya ayaa sheegtay in lacag gaaraysa $105m oo la soo daabacay ay ku luntay dekedda. ilaa hadda lacagtaasi meel ay martay lama oga
Bishii labaad, Mas ayaa inta uu u soo dhacay khasnaddii waxbarashada ee gobolka Benue ee dalka Nijeriya wuxuu laqay lacag gaaraysa N36 million oo cash ah
https://allsanaag.com/lacagtii-aan-ururiyey-mas-ayaa-cunay/
Isla Bishaas , ayaa wararku waxay sheegayeen in aqalka sare ee Baarlamaanka dalka Nigeriya lacag uu ugu talo galay golaha xildhibanada aqalka sare ee waqooyiga dalkaas oo gaaraysay N70m inuu Daanyeer ku cunay beerta Xildhibaan sare oo ka tirsan aqalka sare, hal beesteen lacagtaas Daayeerku cunay lagma gaarin sida uu sheegay. Lama yaqaan waxay lacagta geeyey godka uu Daanyeerka ku jiray balse goormaa Daayeerku cuni jiray lacag warqado ah
Maanta , Guddiga Dhaqaalaha ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay baaritaan lacag la lunsaday oo gaaraysa $42M.
Sidee dal la mid ah Soomaaliya oo halkii Doolarka Maraykanka ah lagu sarifanayo 580 ay khasnaddii dawladda uga maqan tahay 24.4 Billion oo ah Shilinka Soomaaliga taas oo ay maamulaysay wasaaaradda maaliyaddu, Farmaajo iyo Amin Caamir MARMARSIIYO NOOCE AH AYEEY LA IMAN DOONAAN