11th October 2024  admin  Category :

Rubac Qarni ayaa ka soo wareegtay Markii uu Suldaan Siciid noqday Suldaanka beesha Warsangeli.

Sanadkii 1997, ayeey ahayd markii ugu horaysay ee Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam loo doortay Suldaanka Saldanada ugu facda weyne Geeska Afrika iyo Bariga dhexe, kana soo bilaabanatay qarnigii 12aad iyo Garaad Dhidhin.

Saldanadan, ayaa qarniyaddii ay soo jirtay sida taariikhdu xusayso waxay soo martay waqtiyo fiican iyo waqtiyo aad u adag, oo mar walba lagu dhaafi jiray midnimo beesha dhex taalay iyo Suldaanka markaa jooga oo ahaa mid talo ka qaadanayey beesha Uu Suldaanka u yahay iyo Odayaasha Ardaaga oo ahaa la taliyaashiisa.

Suldaan siciid, oo 25 sano ka ho noqday Suldaanka Saladanada Warsangeli, ayaa xilligii uu dhaxlay Saladanadda waxay ahayd waqti k ka mid ah kuwii ugu adkaa ee ay soo martay Saldanaddu soo martay.

Xilligii la doortay Suldaan Siciid, Soomaaliya waxa ka jiray dagaal sokeeye, Beelihii ay awowayaashiis kula xaali jireen nabad iyo colaad, marka waa hubaysan yihiin, waxayna sheeganayeen maamulo. Beeshiisu dagaal sokeeyey oo daba dheeraaday ayeey ka soo baxday oo markan awood badan ma lahayn. Intaa wax axa sii dheeraa in nidaam ay Soomaalidu ku heshiisay ee ah in Xildhibaano tiro yar inuu u soo xulo dawladda federaalka ay Soomaalidu wada samaysatay, taasina waxay keentay culays badan. Midnimaddii beesha, markii ugu horaysy ayaa qaar ka mid ah beeshiisu waxay samaysateen Isimo iyo Garaado, taasina ma sii xoojin midnimaddii beesha

Waa Suldaan Siciid oo ay la taagan yihiin jiilkii dhashay markuu Suldaanka noqday

Ugu danbayntii 25 Sano ee Suldaanku Siciid xilka hayey, Allah mahadiis ceebi kama raacin, wuxuuna mudan yahay mahad celin iyo in loogu hanbalyeeyo dulqaadka iyo sida uu nabadda gobolka iyo tan deriska ahba uga soo shaqeeyeey. Haddanu nahay bahda Allsnaag waxaan Suldaanka ugu rajeenaynaa cimri dheer uu sanado badan ku sii hayo Saldanadan Barakaysan

Dhidhiin Kooge. Garaad Dhidhin (1298–1311)

Garaad Hamar Gale(1311–1328)

Garaad Ibrahim (1328–1340)

Geraad Omer (1340–1355)

Garaad Mohamud (1355–1375)

Garaad Ciise (1375–1392)Garaad Siciid (1392–1409)

Garaad Ahmed (1409–1430)

Garaad Siciid (1430–1450)

Garaad Mohamud (1450–1479)

Garaad Ciise (1479–1487)

Garaad Omar (1487-1495)

Garaad Ali Dable (1495–1503)

Garaad Liban (1503–1525)

Garaad Yuusuf (1525–1555)

Garaad Mohamud (1555–1585)

Garaad Abdale (1585–1612)Garaad Ali (1612–1655)

Garaad Mohamud (1655–1675)

Garaad Naleye (1675–1705

)Garaad Mohamed (1705–1750)

Garaad Ali (1750–1789)

Garaad Mohamud Ali (1789–1830)

Garaad Aul (1830-1870)

Garaad Ali Shire (1870–1897)Sultan Mohamud Ali Shire (1897–1960)

Sultan Abdul Sallan (1960–1997)

Sultan Siciid Sultan Abdisalaan (1997 – today)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*