29th March 2024  admin  Category :

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐ก๐ฎ๐๐›๐š๐ ๐ค๐š ๐ฃ๐ž๐ž๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐œ๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐ž๐ž ๐“๐ˆ๐‚๐€๐ƒ๐Ÿ–

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee TICAD8 ee ka socda magaalada Tunis ee dalka Tunisia, ayaa tilmaamay muhiimadda ay taagerada dowladda Japan u leedahay xasillinta amniga iyo dhismaha hayโ€™adaha dowladda.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in amniga iyo degenaanshaha ay yihiin wax aan gorgortan laga geli karin, si horumar bulsho iyo isku filnaansho dhaqaale loo helo, isagoo xusay in isbadelka cilmillada iyo colaadaha dunida ka jira ay saameyn xoog leh ku yeesheen nolosha bulshada, xili dalka ay ka jiraan abaaro saameeyey dadka iyo duunyada.

โ€œWaxaan jeclaan lahaa in aan qiro, muhiimadda ay leedahay Kaalmada Japan, gaar ahaan, dadaallada kor loogu qaadayo tayada booliiska iyo hayโ€™adaha amniga, bixinta nidaamyada isgaarsiinta ee Booliiska Soomaaliya iyo taageerada warshadaha gudaha ee muhiimka ah, si kor loogu qaado shaqada loona hagaajiyo hab-nololeedyadaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamse.

Mudane Xamse ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay taageerada dowladda Japan ee xiligan, si looga miro dhalayo hadafyada waaweyn ee la higsanayo ee dhinacyada amniga, wax ka qabashada colaadaha, abaaraha iyo isbeddelka cimillada.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa inta uu socday shirka caalamiga ee TICAD8, kulamo doceedyo la yeeshay madaxda ka qeyb galaysa shirka, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya.

Previous Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*