16th October 2024 admin Category :
๐๐ผ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ช๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฟ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ซ๐๐ฆ ๐ผ๐ผ ๐บ๐ฎ๐ฎ๐ป๐๐ฎ ๐บ๐ฒ๐ฒ๐น ๐บ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐๐ฒ๐ ๐ต๐ฒ๐๐ต๐ถ๐ถ๐ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ต๐ฎ๐ฟ๐ฐ๐ถ ๐บ๐๐ต๐ถ๐ถ๐บ ๐ฎ๐ต
Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa maanta waxaa shir guddoomiyey ku simaha Raโiisul Wasaaraha ahna Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedka dhawrista maal-gashadatada iyo maal-gashiga.
Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale meel mariyey heshiiska is af-garad ee iskaashiga Tiknoolajiyadda iyo Boostada ee dhawaan ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Masar, kaasi oo qayb wayn ka qaadan doona dib u dhiska hayโadaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Dhinaca kale wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, iyadoo tododbaadkan guulo waawayn ay ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanku ka gaareen dagaalka khawaariijta.
Golaha ayaa boggaadiyey guulaha isdaba joogaa ee laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.
Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada ayaa golaha Wasiiradda u qaybiyey siyaasadda qaran ee maaraynta deegaanka, hindise sharciyeedka maaraynta deegaanka iyo heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ee Bariga Afrika.