16th April 2024  admin  Category :

Qurba joogta Soomaaliyeed ayaa ah cadaw u soo shaqo tagay shacabka masaakiinta ah ee ku dhibaateesnaa dalka Soomaaliya. Qofka kasta oo qurba joog ah, wuxuu leeyahay hal hami oo ah in uu Yurub, Kanada, Mareeykanka, ama Ustareeliya uu kaga iibsado gurri lacagaha uu dalka ka soo dhaco, wixii lacag ah ee soo harana ay carruurtiisa iyo xaaskiisa ku bataashaan.

Nin carruuriisa iyo xaaskiisa aysan dalka ku noolleen sidee xil loogu dhiibtaa? Nin baasaboor kalle dabada ku wataa, dalka miyaa lagu aamini karaa? Nin marka ay dhib dhacdo, diayaarada ugu horeesa ku boodaya dalka naf miyuu u hayaa? Qof carruurta xeyahay qaxootiga ku jira xoogaagooda u soo tafa xeetay, miyeeysan aheen in sidii dhurwaagii la yiraah hur?

Hadaba, waxaa dhab ah in qurba joogta ay yihiin “Virus” ayna la mid yihiin nimankaa argagixisada ah ee dadka habeen iyo maalin qarxinaya. Ninka Shabaabka ah wuxuu qarxinayaa shacabka, meesha ninka qurba joogta ahna uu shacabka ka qaadanayo lacagtii yareed ee wax lagu kalla wadi lahaa ama dadka loogu adeegi lahaa.

Marka maanta waxaa la isku raacay in qurba joogta ay ka daran yihiin cudurka QAAXADA. HAL HEESKA MAANTA WAA QURBA JOOGTA YEEYSAN IDIN SIRAN.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*