28th March 2024  admin  Category :

Maxaa keenay in Isaaq u dawladeeyo reer Maakhr? Maxaa keenay nin leh Isaaq ayaa reer Abti ii ah sida ina Cabdulaahi Cartan, mid leh waan  ka qabaa oo xidid ayaan la ahay  sida ina Cali Ayaan iyo Islaan leh Caruur ayaan u dhalay Isaaq sida    Islaanta qaylada badanm  ay umaddi sharafta iyo karaamada lahayd ay   uga ciyaarayaan magacooda oo looga aamusan yahay

Image may contain: 5 people, people standing and outdoor

Burburkii Qarankii Soomaaliyeed oo ay Soomaali oo dhami  qabyaladda isku wada dishay ,  reer Maakhir iyo Isaaqa maanta u  dawladeenayaaba waa  ka wada mid ahaayeen dagaaladaas ,  maanta Soomaaliya kama socdaan ama kama jiraan  degaan ama gobol ay Beeli beel kale u dawladaynayso ama ciidan dul kaynayaan  oo ay ku   khasbayaan inay qaataan  Fikirkooda Guracan aan ka ahayn gobolka Sanaag

Beelihii aan hubaysnayn ee deganaa  jiinka webiyada  Shabeelle iyo Jubba  maanta nabad ayeey kula  nool yihiin beelihii kale ee Soomaaliyeed, oo aan ka ahayn argagixisada ,

Beelihii wada deganaa Gobolka Mudug nabad ayeey maanta ku wada nool yihiin. Madaxweynaha Galmudug  ka taliyaa gaari ayuu ka soo kaxaystaa Mudug oo Nugaal ku yimaadaa. Isagaa oo inta badan dhex maraya beel aan beeshiisii ahayn

Beesha Banaadiri maanta xaafadihii ay ka deganaayeen Muqdisho iyagaa ka taliya, mana jiraan beelo kale oo hubaysan ee duulaan ku ah.

Bulshada Reer Maakhir Soomaalida kale  mid ayeey kala wadaagaan ama kala mid yihiin  oo ah argagixisada arxanka lahayn oo degaankooda Joogta. Waxaa taa u sii  dheer  iyaga oo  u gaar ah,   waxa weli  lagu hayaa weerarkii 1991 lagu bilaabay beesha Daarood,  oo ay hadda  ku hayaan Dirta Waqooyi oo midaysan.

Beesha Isaaq, iyagu Soomaalida labadan waa kaga duwan yihiin. Argagixisada Soomaalii oo dhan xasuuqa ku haysa  ma joogaan degaanadooda. Mana jiraan dal iyo beel kale ee Soomaaliyeed oo  duulaan ku ah. Waxa intaa u sii dheer Soomaali badan ayaa dhacdooyinka foosha xun oo ay ku hayaan gobolka Sanaag ku kol kooliya oo ugyu hambalyeeya

Waxa keenay  maanta in  Isaaq u dawladeeyo reer Maakhir waa Saladanaddii Warsangeli oo ku milantay siyaasadda. Maanta boqolkii sideetan siyaasiyiinta Xilalka ka haya Puntland waxa soo magcaabay Suldaan Siciid.

Inta badan Canaasiirta u shaqaysa SNM, iyagana Suldaan Siciid ayaa soo magcaabay.  Taasina waxay keentay in bulshaddii kal qaybsanaato oo cadowgii soo jireenka ka ahaa uu  ka faaiidaysto. Suldaanka ay maamuladu  u arkaan inuu ka mid yahay Shaqaaalahooda.

Maanta labo bilood  ayaa ciidan hubaysan dul  joogaan Shacabka reer  Yube oo aan hubaysnaynan,  Suldaan Siciid kama  hadlin, sababtoo ah ma doonayo inuu ka caraysiiyo shaqaalihii uu horay ugu qoray maamulkaas SNM.

Shalay Caare oo hubaysan oo ka soo jeeda beesha Habar yoonis  ayaa maamulka Puntland u ogolaaday inuu si xor ah ku dhex maro gobolka Sanaag. Suldaanka arinta wax lagama waydiin, isaguna kama hadlin oo ma doonayn inuu ka caraysiiyo shaqaalaha uu u qoray maamulka Puntland.

Ugu danbayntii waxa Allah mahadiis ah in Suldaan Siciid uuna Suldaanka reer Maakhir  ahayn waqtigii uu socday  dagaaladii SNM Iyo Warsangeli ee gobolka Sanaag  , sababtoo ah waqtigaas  waxa jirtay beel midaysan oo leh hal Isimi oo dadkiisa iyo dalkiisa jecel  Allah ha u naxariistee.

Laga soo bilaabo maalintii Suldaan Siciid loo doortay Suldaanka Warsangeli  ilaa maanta midnimaddii reer Maakhir waa sii xumaanaysaa, degaanada qaarkood xoog ayaa lagu haystaa. Suldaan Siciid intii la doortay waa Suldaankii ama Garaadkii ugu horeyey taariikhda Saldanada Maakhir  ay ka hoos samaysmeen Suldaan, Garaad, Islaan  oo qaarkood maanta doonayaa inay helaan awood tiisa ka sii  weyn.

Duulaankii ugu danbeeyey ee SNM iyo kan maanta SNM ku soo qaadeen gobolka Sanaag,  Suldaan Siciid wuxuu qabtay oo qura  inuu siyaasiyiin kale u magcaabo maamulada  Puntland iyo Somaliland. Haddii duulaanka iyo weerarka Maakhir lagu hayaa uu ka  bilowmay 1997  markii Suldaan Siciid la doortay,  wuxuu dhamaanayaa  oo qura maalinta reer Maakhir ay u doortaan isim cusub oo mideeya oo dantooda beel ahaan ka shaqeeya. Isimkaas  cod dheer ku sheega in bulshadu iska  difacaan Alshabaab iyo Soomaliya diidka . Suldaan Siciid haddii uu maanta aamusin waayey Ini Cali Ayaan , Ina Jibriil  Cali Salaad, Ina Xuseen Soomaali  iyo Gurey oo si cad u taageeraya SNM, waa adag tahay in Warsangeli intiisa kalena uu Suldaan u sii noqdo

ALLSANAAG.COM

https://allsanaag.com/dacaayadda-raqiiska-ah-ee-snm/

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*