16th April 2024  admin  Category :

Falkii ka dhacay xarunta baarlamaanka ee Puntland waxaa ku dhintay seddex qof, meesha ay ku dhaawacmeeyn dhawr qof oo kalle. Hadaba, yaa mas’uuliyeedeeda iska leh falkii ka dhacay xarunta baarlamaanka?

Haddii koox ciidamo ah, hallagu sheego malleeshiyaad beelleed  ama ciidanka Puntland, ay ku sugnaayeen xarunta baarlamaanka, waxa ay aheed in marka horre lagu dayo sidii qaab nabadgelyo ah looga soo saari lahaa meeshaas, iyadoo la kaashanayo nabadoonada deegaanka.

Hase ahaatee, taas ma dhicin, waxaana la geeyay xaruntii baarlamaanka ciidan heesta amar ah ineey adeegsadaan xoog si ay xarunta uga saaraan ciidamadii horey u joogay, taasina waa midda sababtay ineey iyaguna is difaacaan. Miyaa la adeegsaday waan-waan lagu xallinayo arrintaa inta aan weerar la qaadin ka hor? Waa maya.

Hadaba, mas’uuliyadda wixii meeshaa ka dhacay waxaa iska leh ciidankii soo weeraray xarunta baarlmaanka ee dooneeysay ineey adeegsadato xoog iyo ciddii soo amartay ama ha noqdo Madaxweeynaha Puntland, Siciid Ca/llaahi Deni ama ha noqoto cid kalle.

Waxaase wax laga xummaada ah in ummadda loo sheego waxaan jirin taas oo ah in wixii meesha ka dhacay uu ka danbeeyay, Ca/xakiin Dhooba Daareed. Hadaba, dadkaa ku dhintay xarunta waxaa mas’uuliyadeeda iska leh cidii ku soo tallisay in la adeegsado xoog.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*