28th March 2024  admin  Category :

Maanta ninka qoraalkan qoray iyo kuwii ku taageeri jiray nacaybka  ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku casumay Villa Wardhiigleey

March 27, 2007

Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Ilaaheey SWT, Salli iyo salaam tacdiim lala xiriiriyeyna waxaan u celinayaa Rasuulkeennii Suubbanaa Muxammad (CSW). Intaa kaddib, waxaan jecelahay inaan halkan ka soo gudbiyo nasiqid ‘rebuttal and refute’ ku aaddan gunuunucii qadafka ahaa ee uu BBC-da kaga hadlay Jimcihii 23/3/2007 Yuusuf Cumar Axmed (Az-hari) oo sheegta inuu yahay La Taliyaha Col Cabdullaahi Yuusuf.

Anigu waxaan aaminsanahay dowladnimada Soomaaliya iyo qarannimadii burburtay in dib loo soo celiyo oo ay hanaqaado waxaa hor taagan dadka Muqdisho uga soo duulay laba kun oo KM ka shishe, kuwaasoo ah kuwii 1982-kii soo geliyey ciidammadii Mingiste magaalooyinka Balanballe iyo Goldogob, 2006-na ku soo hoggaamiyey ciidammada Meles Zenawi inay qabsadaan dalkiiyoo idil, ee waxa riixayaa ay tahay damaca waalida ah iyo hunguri-weyninka saa’idka ah ee ay ka geddisan yihiin Soomaali inteeda kale. Waa kuwii ugu horreeyey ee Soomaaliya oo dowlad ah ku soo weeraray ciidanka Ethiopia, si ay barqad cad qaab qabiil xukunka ugu boobaan.

Waxaa anfariir leh in ciidanka cadowga ee ay maanta Soomaaliya u soo horkeceen ay yihiin qoomkii uu ka dhashay Abraham ee weeraray Kacbadii Ilaaheey 1400 oo sano ka hor, Ilaaheeyna uu u soo diray nasrigiisa oo sidii cowskii loo cunay. Ilaaheey wuxuu Qur’aankiisa Kariimka ah ku yiri

Waxaan u haystaaa kuwaasi inay yihiin kuwii naxashka ku qaaday ee aasay qarankii Soomaaliyeed ee meesha ka saaray kalsoonidii iyo walaaltinimadii ummadda Soomaaliyeed ka dhexeysay iyo is jaceylkii Soomaali isugu gurman jirtay weligeed, kuwaas oo ah kuwii dowladnimadii Soomaaliya ka dhigay dumaal ay iyagu gaar u leeyihiin 1967 illaa 1969, ka hor intii aan Ilaaheey ummadda xalaasha ah ee Soomaaliyeed u soo dirin Mahdigii dhintay ee Maxamed Siyaad Barre.

Wuxuu yiri gabyaa Dhoodaan ‘war maxaad reer hebel uga dhigteen boqor dumaal yeeshay.’ Kuwa aan ka hadlayo oo ah kuwa maanta u ololeynaya inay dalka gumeysi geliyaan si ay u helaan kursi madaxtooyo, oo ah niman ay ka muuqato inaaney noolaan karin inay dowlad wax ku dhacaan ma ahane, buugaagta qaar ee Soomaalida laga qorana ay ugu yeerto “afarta dowlad ku nool.” Waa kuwa u haysta inay Soomaali iyaga ugu caqli badan yihiin, laakiin, on the contrary, iyaga ayaa ugu caqli xun. ‘Ismoog aqalkii bey asleysaa, ismana oga.’

Waxay dhaqan u leeyihiin haddii dowladnimada loo dhiibo inay ummadda ku tuntaan, bah-dilaan, sharafkooda ku iibsadaan waxaan ummadda Soomaaliyeed u qaadmin oo aan ku bannaaneyn. Ma ahan dad ummadda Soomaaliyeed meteli kara, mana ahan dad wakiil ka noqon kara dadweynaha. Weli ma arkin shaqsi iyaga ka tirsan oo arrintan ka dhiidhiyey, taasoo caddeynaysa bah iyo boqor inay ka mideysan yihiin. Ma ahan koox xishoonaysa ee waxay garaacayaan albaab walba. Waxaa ugu sarkaalsan Col Cabdullahi Yuusuf, waxaa ugu siyaasisan Captain Cadde Muuse, waxaana ugu suxufisan Xuseen Xuubsireed (Idamaale), diblomaasigooduna waa Az-hari oo ku andacoonaya inuu 40 sano diplomat ahaa.

Ujeeddada ay leeyihiin iyo tala-galkoodu wuxuu yahay in, haddii Alle kuu roon yahay, ay ummadda masaakiinta ee Soomaaliyeed cunaha qabtaan oo ay dhiiggooda cabbaan, haddana xasuuqaan, xoolahooda dhacaan, boobaan, wixii ay xiri karaanna xiraan, isla markaana ay sidaas ugu dowladeeyaan. Waa kuwa isku dayaya inay ummadda indhaha ka xiraan, afka ka xiraan, dhegaha ka xiraan, gacmahana ka xiraan. Waa kuwa maalin walbaba dalbanaya in la xiro idaacadaha madaxa bannaan ee Muqdisho, si aan loola socon hagardaamada iyo halista ay la howtul-hamageynayaan. Wuxuu yiri “maba dhalane dhowrteysan ogaa,” Ma ahan niman damiir Islaamnimo leh, mana ahan niman dareen Soomaalinimo leh. Waxaa mucjiso ah inay 30 sano kaddib si indha la’aan ah ugu socdaan dariiqii ay ku soo jabeen.

Sidaa aawadeed, waxaan ku baaqayaa in ummadweynta Soomaaliyeed meel ay joogto ay u istaagaan sidii laysaga caabin lahaa nimanka dalka soo geliyey ciidankii Abraham ee ku indha-cad inay sidaas dowlad ku noqon karaan. Sida keliya ee ciidammada Ethiopia guul ku gaari karaan, waa inay fadqalalo iyo kala qeybin ku sameeyaan ummadda ku nool caasimadda, waana in dadweynuhu ka feejignaadaan arrintaas oo ay si buuxda u midoobaan. Waxaa ii muuqata inuu ka soo socdo Soomaaliya xasuuq la mid ah kii ka dhacay Rwanda ee Hutu Vs Tutsi. Soomaaliya ma lahan maanta wax dowlad ah, waxayna ku jirtaa xaalad ka xanuun badan tan Palestine.

Waxaan, haddaba, ugu baaqayaa waxgaradka Xamar in wixii heshiis ah ee ay la galayaan ciidanka Ethiopia ay ku casuumaan wadammada la ehelka ah Soomaaliya sida dalalka Islaamka iyo Carabta. Waxaan kaloo ku dhiirri-gelinayaa xoogagga wax iska caabinta (insurgents) ee u istaagay inay dib u soo celiyaan sharafkii ummaddooda, waxaana ku kalsoonahay in Ilaaheey uu guusha siin doono oo ay ciidanka Ethiopia ka bixi doonaan Soomaaliya iyagoo seenta dabada ku jiidaya. Ilaaheey waxaan ka baryayaa in kuwa qoomkii Abraham soo geliyey dalka ay maraan meeshii ay mareen Asxaabul Fiil, aamiin.

Wabillaahi Towfiiq

Waxaa War-saxaafadkan soo saaray

Mudane Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Mufakkar (Thinker) Soomaaliyeed

E-mail: [email]Ingiriis@yahoo.com[/email]

Xafiiska, Muqdisho, Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*