29th March 2024  admin  Category :

Markabkii siday xoolaha ee ka dhoofay dekedda Berbera oo in muddo ah ku xannibnaa Sacuudiga ayaa hawl dheer ka dib waxa ay dawladda federaalka ku guuleeysatay in markabkii laga dejiyo xoolihii.

Dawladda federaalka iyo Sacuudiga ayaa ka wada hadlay sidii xoolaha Soomaalida loogu iib geeyn lahaa dalkaas, iyaguna waxeey dalbadeen in caafimaadka xoolaha uu yahay ahmiyadda koowaad ee dadkooda; sidaa darteed, ay dawladda federaalka mas’uul ka tahay dhammaan wixii xoolo ah ee ka imanaya dalka Soomaaliya.

Hadaba, maamulka Hargeeysa oo indha la’aan iyo qajajac ku socda ayaa waxeey doonayaan in xoolo inteey iska raraan, dabadeedna ay yiraah dawlad baan nahay , dabadeedna uu Sacuudiga ka dhageeysto sheekooyinka marfishyada oo ay ka mid tahay dawlad baan aheen 1960kii, dawladnimadeenii baan la soo noqonay, anagaa is ictiraafnay, xudduudii Ingiriiskaan ku taaganahay iyo boqol sheeko xariir oo kalle. Waxaa dhab ah Soomaaliya hal dawlad ayeey leedahay, waana in iyada looga danbeeyaa wixii quseeya arrimaha dibedda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*