29th March 2024  admin  Category :

Xogta Macdanta ku jirta dalka Soomaaliya oo maanta lagu wareejinayo Dowlada Federalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay Xogta macdanta dalkeena, taas oo ah Kheyraadka dabiiciga ee dalka iyadoo baarista xogtan ay sameeyeen sameeyay quburo kala duwan oo ka soo jeeda dalka UK.

 

Baarista xogta macdanta oo dhowr nuuc kala ah ayaa soo bilaabatay sanadkii 1920-kii, taas oo soo socotay ilaa iyo sanadkii la soo dhaafay ee 2018kii.

Madaxa Shirkadda SKA ee Xogtan soo iibsatay oo sharaxaad ka bixiyay baarista ayaa sheegay in dhul badan oo Soomaaliya ka tirsan ay ka jiraan macdan, Gaas, shidaal, Dheeman, Dahab iyo waxyaabo kale.

“ Tani waaa tallaabo cusub, waxaan u arkeynaa iney Soomaaliya ka jiraan fursado aad u fiican ee dhinacyada horumarinta kheyraadka macdanta ee dalka,waxay keeneysaa arrintaan in dalka Soomaaliya uu helo maalgashigii loo baahnaa,taasi oo fursad u noqoneysa oo shaqo abuur ah u noqoneysa shacabka Soomaaliyeed,waxayna shacabka noqonayaan kuwo ku noolaado nolol barwaaqo leh,” ayuu yiri madaxa Shirkadda SKA.

Sidoo kale, waxaa la daah-furay mashruuc shirkadda (SMMG), ku maalgelineyso Macdanta Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya Alle siiyay lagama maar-maan ay tahay in loo helo maalgashi ayna diyaar u yihiin in shacabka Soomaaliyeed looga faa’ideeyo,wuxuuna ammaanay macluumaadka Dowladda Federaalka lagu wareejiyay.

“Waxaan ammaaneynaa shirkadda dadaalka ay u gashay iney nagu wareejiso macluumaadkan qaaliga ah ee wadanka uu leeyahay, waxaana soo dhoweyneynaa cid kasta oo maalgashaneysa Soomaaliya dhinaca kheyraadkeeda,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Soomaaliya.

Ugu dambeyn,Wasiirka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya ayaa sidoo kale soo dhoweeyay daah-furka shirkada cusub ee (SMMG).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*