28th March 2024  admin  Category :

Puntland aas-aaskeeda waxa keenay duruufihii ka jiray dalka Soomaaliya kadib markii ay dhacday dawladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991dii. Hadaba, aas-aaskii maamulka Puntland dadkii wax ka sameestay waxaa ka mid ahaa dadka deggan gobolada Sool iyo Sanaag.

Hadaba, ku biiritaankii dadka deggan gobolada Sool iyo Sanaag ee maamulka Puntland ma jirto wax ay ka faa’iideen oo aan ka aheen dhulkoodii oo laga dhigay dhulka lagu muransanyahay, beesha Isaaqna taako dhul ah ma heesan markii beesha Warsangeli iyo Dhulbahante ay ku soo biireen maamulka Puntland, maantana waxaan aragnaa in kaarar doorasho iyo wax aynaan garaneen ay ka socdaan qeebo ka mid ah deeggaanadaas.

Xubnaha ugu jira baarlamaanka iyo wasiirada ee ka soo jeeda labadaas gobol waa kuwo aan war ka heen dhulkooda waxa ka soconaya, mana ahan kuwo soo dhaafa magaalada Garoowe, kii soo gaara deegaankana waa mid aan dadka ku soo siyaadin wax maslaxad ah iyo tallo toona.

Maanta marka tusaale loo soo qaato maamulada ku jira dawladda federaalka waxaa isku xuquuq ah maamulka Galmudug iyo Puntland. Madaxweeynihii tallada ka tagay Xasan Shiikh mar su’aal la weeydiiyey hadda ka hor waxa uu sheegay ineey maamulka Puntland ay u aqoonsan yihiin gobolka Bari, Nugaal iyo qaar ka mid ah gobolka Mudug. Shalay oo ugu danbeesay ciidamadii loo qorsheeyay in loo dhiso dalka Soomaaliya, maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug waxaa loo qoondeeyay mid 3000 oo ciidan ah. Haddii siyaasiyiinta Puntland ay ku doodayaan in Puntland ay ka koobantahay shan gobol , sidee ku dhacday ineey oggolaadaan ineey  isku mid noqdaan iyaga iyo hal gobol iyo bar?

Sidoo kalle, maamulka Puntland diyaar umma ahan in ay u ol’oleeyaan sidii dhulkaas Sool iyo Sanaag looga saari lahaa dhulka lagu muransanyahay, waxa ayna kaga soo hartay af aan wadan ficil oo ah dhulkaas wuxuu ka tirsan yahay maamulka Puntland, isaaqna maalin kasta waxa uu qabsanayaa dhulkii sida aan aragno.

Waxaa la gaaray waqtigii dadka labadaa gobol ay isaga bixi lahaayeen maamulka Puntland maadaama aysan waxba ka faa’iidin aan ka aheen tafaraaruq iyo kalla qeeybsanaan iyo Isaaq oo afar xabbaha oo dhulkoodii soo hunguriyeeyay iyagoo ka faa’iideesanaya kalla yaacsanaanta ku dhacday labadaas beelood.

Waxaan aaminsanahay in magac xummo aad u xun ay ku dhacday dadka deggan labadaas gobol. Soomaalidu waxeey tiraah, “Caano qubtay, dabadooda ayaa la qabtaa” ninka aaminsan Punland ayaan ahay is weeydii waxa kaaga soo kordhay, kanse aaminsan in SNM ay kheeyr u heeso isna ha isweeydiiyo dulliga, magac xummada iyo darxumada heesata deegaankiisa.

Shacabka Puntland deggana waa in loo arkaa in aanu nahay dad wallaaltinimo ay naga dhaxeeso, maantana la gaaray xilligii dadka goboladaas deggan ay aayahooda ka tashan lahaayeen si ay u soo ceshtaan cisigoodii iyo sharaftoodii.

Allsanaag.com

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*