29th March 2024  admin  Category :

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa dhawaan ku shiray magaalada Nairobi, waxeeyna soo abaabulleen mooshin loogu magac daray “Mooshinkii Nayroobi” ujeedada ayaa ah sidii loo burburin lahaa dawladda uu hoggaaminayo Madaxweeyne Farmaajo. Xildhibaanadan ayaa ah kuwo aan dan ka laheen dhibaatada baaxada weeyn ee heesata shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay ammaan darrada, gaajada, abaaraha baaxada weeyn ee ku dhuftay dalka oo aan welli laga soo kaban, shaqo la’aanta, dhalinayarada badaha ku dhimanaya, dadka qaxootiga ku ah caalamka daafihiisa, iyo sumcad xummada magacii Soomaaliyeed ku dhacay.

Hadaba, shaqsiyaadkan baarlamaanka ka mid ah waa kuwo ay dabada ka soo riixayaan dawladdo shisheeyey kuwaas oo doonaya in Soomaaliya danbe aan dib loo arag. Miyeey suurtagal tahay in shaqsiyaad xooggaa lacag ah ku soo qaatay ineey dalka dhibaatadiisa ka shaqeeyaan aan ka yeelno ineey sida ay doonaan nagga yeelaan?

Xildhibaanadan ayaa ah kuwo ka macaasha mooshinada, xaaraanta quuta, damiirkii uu ka guuray, arxan laawayaasha ah ayaa ay tahay in dawladda uu hoggaaminayo Maxamed Ca/laahi Farmaajo aysan u joojin shaqsiyaadkan aan garaneen shaqadii loo idmaday, waana in qodobada soo socda ay sameesaa si cadawgaan shaarka baarlamaan gashan aysan u majaxaabin hannaanka dalka Soomaaliya dib loogu soo cellinayo:

In Baarlamaanka Federaalka la kalla dirro muddo hal sanno ah taas oo ah muddada ay socoto abaabulka ciidan iyo dagaalka lagu soo afjarayo argagixisada dalka iyo dadkaba u diiday nasashada; Taa badalkeedana, waa in taladda dalka ay ka wada tashadaan dawladda iyo maamul goboleedyada. Dadka qaar ayaa laga yaabaa ineey is yiraahdaan maxaa baarlamaanka loo kalla dirayaa, balse waxaad is weeydiisaa maxeey baarlamaanka ummada u qabtaan aan ka aheen mooshin u qaad, mooshin ka qaad?

In shaqsiyaadka qeeybta ka ah mooshinka laga soo abaabulay Nairobi lala xiriiro maamuladii ay ka yimaadeen si shaqsiyaad nadiif ah loogu soo badalo kuwan calooshood u shaqeeystayaasha ahna meesha looga saaro;

In shaqsiyaadka qeeybta ka ah in la burburiyo dawladda laga joojiyo ineey ka qeeyb galaaan fadhiyada baarlamaanka, lagana jaro mushaarka.

Dawladda waa ineeysan u jilcin shaqsiyaadkan u soo tafa xeetay in Soomaaliya ay god ku sii ridaan si marnaba aysan u soo kicin.

https://youtu.be/FYqveVltDFM

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*