28th March 2024  admin  Category :

Xildhibaanada Beesha Absame ugu jira Baarlamaanka Somalia ayaa shalay kulan xasaasi ah la qaatay Raysulwasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre.Xildhibaanada ayaa Raysulwasaaraha kala hadlay dhowr arimood oo la xidhiidha dhiibistii Cabdikariin Qalbidhagax iyo dhacdooyin dhacay dhiibistiisi kadib.

Xildhibaanada waxay Raysulwasaaraha ku eedeeyeen ixtiraam dari,tixgelin la’aan iyo inuusan wax tashi ah kala yeelanin qaabkii loo maamulay dhiibistii Cabdikariin qalbidhagax .

Waxay Raysulwasaaraha si adag ugu cadeeyeen inay ka xunyihiin in Beesha lagu dhex aflagaadeeyo shirkii golaha wasiirada iyo kulamo kale oo xukumadu soo abaabushay.

Xildhibaanadu waxay sheegeen inay kasoo horjeedaan qodobadii ku xusnaa go’aankii kasoo baxay Golaha wasiirada ee la xidhiidhay dhiibistii Cabdikariin qalbidhagax.

Xildhibanaadu waxay Raysulwasaaraha usoo dhigeen  falal lagula kacay dad kasoo jeeda Beesha Absame dhiibistii Cabdikariin qalbidhagax kadib.Waxay sheegeen in banaanbixii kadhacay Muqdisho ee looga soo horjeeday dhiibistii Cabdikariin qalbidhagax xukuumadu si heeb sooc ah uqab qabatay dadkii banaabaxaas ka qeyb galay iyadoo dadka heybtooda la weydiinayay wixii beesha kasoo jeedana xabsiga loo taxabaay wixii kalana lasii daayey.

Raysulwasaaraha ayaa ka garaabay eedaymihii loo soo dhigay.Waxaa xusid mudan in dadkii kasoo jeeday Beesha Absame ee la qabqabtay shalay lasoo daayey.

Kulankii Raysulwasaaraha kadib waxay xildhibaanadu xalay kulan kale la qaateen madaxweyne Farmaajo waxayna kala hadleen arimo lamid ah kuwii ay kala hadleen Raysulwasaaraha waxayna dad xog ogaali ahi warbaahinta Dhanaan Media usheegeen in madaxweynuhu sidoo kale ka garaabay qodobadii ay usoo dhigeen xildhibaanada Beesha Absame.

Waxaa jirta xog sheegaysa in xukuumada Raysulwasaare Khayre ay soo saari doonto qoraal kale oo ka duwan kii kasoo baxay golaha wasiirada.

Xukuumada Raysulwasaare Kheyre ayaa la kacaa kufaysa culeysyo siyaasadeed oo ay ka dhaxashay dhiibsitii Cabdikariin qalbidhagax waxaana hada ugu daran mooshin ay wadaan qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka oo lagu doonayo in xilka looga tuur

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*