26th March 2024  admin  Category :

Xiisad Dagaal Oo Ka taagan Buuhoodle Iyo Gocondhallle

Waxaa saacadihii ugu Danbeeyay saansaan colaadeed oo xoogan laga dareemaya Deegaano kamid ah Gobolka Cayn.

Beelaha Hagar iyo hayaag ee Dhulbahante ayaa xalay ilaa maanta isku qaaday weerar sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay hal qof sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Sadex kale.

Beesha Hayaag ayaa Xalay weerar sababay hal dhimasho ah iyo Hal dhaawac ah ka fulisay deegaanka Gocondhaale ee gobolka Cayn.

Dhanka kale Beesha Hagar ayaa iyana saaka weerar sababay dhaawaca labo qof ka fulisay Gudaha Buuhoodle,

Colaada Beelahan oo mudo soo laab laabatay Ayaan ilaa hada wax xal ah oo nabadeed laga gaadhin,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*