29th March 2024  admin  Category :

Waa maxay sababta inta Dhalinyarada loo diray aan loogu darin Miino baarayaal.

Sawirka kore waa Allah ha u naxariistee Xuseen Mohamed Ali oo ka mid ahaa dhalinyaradii la xasuuqay

Dhalinyaradii maanta lagu xasuuqay degaanada Sugure ee gobolka Bari, waxa jira arimo badan oo u baahan inay ka jawaabaan Taliyaha Qaybta ee Galgala G/sare Aadan Cabdi Xaashi Iyo Taliyaha Ururka Dhiirane Coll. Abdirahman Faarah Gurhan (Qadaafe)

Labadan Sarkaal iyaga ayaa lahaa sababta ay ku dhinteen dhalintani, iyaga ayaa soo diray oo ay adeeg iyo saanada ugasoo dooneen magaalada Bosaaso ee gobolka Bari.

Xog ogaal aad uga war haya Ciidamada Puntland ee ku sugan buuraha Galgala, oo aan magaciisa ku gaabinayno S. Muuse ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay haystaan hub dhamaystiran isaga oo raaciyey ” Aniga oo isticmaalaya xog ogaalnimadayda waxaan hubaa in dawladda PUNTLAND ay u dhamaystirtay ciidanka jooga Galagala dhamaan wixii loo baahnaa si loo ogaado in miino jirto iyo in kale.

Waxaan taagnaa maalintii ay dawladda Maraykanku idinku wareejisey qalabkaas oo dhamaystiran, Hadaba maxaad u isticmaali weydeeen, Ma maalinta aad idinku degeysaan oo Boosaaso u socotaan keliya ayaa la isticmaalaa mise maalin walba oo ciidan marayo waddada”

Ugu danbayntii Sagaalka Sarkaal oo maanta dhintay iyo kuwii ka horeeyeba waxay ku dhinteen ma’suuliyad xumo iyo la xisaabtan la’aan. Hadaba si arintani mar danbe ayna  u dhicin waa in Guddi madax banaan loo saaraa sababta sagaal Askari oo  reer Puntland ah ay hal meel ugu wada dhinteen iyaga oo haystay hubkii ay isku difaaci lahaayeen ee ahaa  Miino baarayaasha iyo Miino saarayaasha

 


 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*