26th March 2024  admin  Category :

Deni, oo Shir-guddoomiyay Shir gaar ah oo looga hadlay xal u helida cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda Shir-guddoominaya Shir gaar ah oo looga hadlayo xal u helida cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga.Kulanka oo uu Madaxweynaha ku weheliyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa ka qeybgalay Madaxweynihii hore Senator Cabdiraxmaan Faroole, Masuuliyiinta Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta, Bangiga Dowladda, Wasiiradii hore ee Maaliyadda Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh.Sidoo kale waxaa kulanka waxaa ka qeybgalay Khuburo ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha, La taliyeyaal Madaxweyne , Saraakiil Madaxtooyo, Taliska Ciidamada Booliska, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo qaar ka mid ah madaxda Jaamacadaha Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*