16th April 2024  admin  Category :

Xagee ayeey mareeysaa tirinta cododka dhiman ee la sugayo ineey ku kala baxaan Biden iyo Trump?

Biden ayaa u muuqda inuu ku horeeyo gobolada Arizona, Nevada, Pennyslvania iyo Georgia. Waxa ay u badan tahay in Biden uu heli doono tirada uu u baahan yahay illaa iyo caawa. Biden waxa uu heeystaa hadeer 253, meesha Trump uu heeysto 214.

Gobolka Arizona mar hore ayaa qaar ka mid ah warbaahinta waxeey siiyeen Biden inuu ku guuleeystay, balse la iskuma raacsana, wellina waxaa socota tirinta codadka dhiman. Si kastaba ha ahaatee, waxaa caawa la filayaa in Biden uu qudbad jeedin doono taas oo ah mid uu ku shaacinayo in uu ku guuleeystay doorashada.

Arizona

Biden waxa uu ka horeeyaa Trump 29,900 oo cod gobolka Arizona.

Waxaa harsan in la tiriyo 87,000 oo cod. Codadkaa tirinta sugaya waxaa la filayaa inuu Biden qaadan doono.

Gobolka Nevada

Biden waxa uu ka horeeyaa Trump 22,700 oo cod;

Waxaa harsan wax ka yar 123,000 in la tiriyo;

Gobolka Pennsylvania

Biden: Waxa uu ku hogaamninayaa 27,200 gobolka Pennsylvania

Waxa harsan in la tiryo 80,000 oo cod;

Gobolka Georgia:

Biden waxa uu ka horeeyaa Trump 4,395

Waxa harsan in la tiriyo 5,000 oo cod wax ka yar.

Gobolka North Coroline:

Trump waxa uu ka horeeyaa Biden 76,000

Waxa dhiman in la tiriyo 350,000 oo cod

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*