29th March 2024  admin  Category :

Xaflad Lacag $30,000 loogu deeqay Dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceergaabo

Suldaan Siciid Suldaan C/salaan ayaa lacag dhan $30,000 (Sodon kun oo doollar ) ku warejiiyey guddiga wadada Ceeldaahir-Ceergaabo , lacagtaas ayaa waxa Suldaanka u soo wakiishay Ururka Haweenka Alnasar ee wadanka UK , xaflad si heer sare loo soo agaasimey oo lagu qabtay qolka shirarka ee Xarunta Alnasar 2 ee magaalada Badhan ayaana munaasabadu ka dhacday.

Suldaanka ayaa kolkuu lacagtaas guddoonsiiyey wuxu u duceeyey Haweenka Alnasar , kuna baaqay in jaaliyaduhu ku daydaan Haweenkaas , kana qayb qaataan dadaalka loogu jiro dhismaha wadada . Sidoo kale waxa Suldaanku daah furay wejiga labaad ee dhismaha wadada oo noqonaya marxaladii Jayga iyo Daamurka . isagoona Baaq u diray Jaaliyadaha gobolka iney ka qayb qaataan dhismaha .

Sawirka Gobolka Sanaag.

Sawirka Gobolka Sanaag.

Sawirka Gobolka Sanaag.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga wadada Shiikh Cali Ceelaayo ayaa mahad ballaadhan u jeediyey Suldaanka iyo Haweenka Alnasar UK , isagoo si kooban uga war bixiyey halka uu marayo wejigii kowaad ee dhismaha wadada , iyo sida loogu baahan yahay in laga wada qayb qaato maadaama wejigii labaad uu Suldaanku daah furay .

Sidoo kale ayaa ururka haweenka ee Alnasar Badhan waxay guddiga ku wareejiyeen lacag dhan 50,000,00/= (Konton Milyan Sh.So).

Xafladda lacagahaas lagu wareejinayey ayaa waxa ka soo qayb galay Maamulka gobolka Sanaag iyo kan degmada Badhan , Cuqaal , guurti , culimo , dhallinyaro , aqoon.yahan , haween, xubno qurbe joog ah iyo Xildhibaan Xaaji Ismaaciil oo ka mid ah barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dhamaan masuuliyiintii xafladaas ka hadlay ayaa u duceeyey Haweenka Alnasar dalka iyo dibada ba , kuna tilmaamay iney mudan yihiin in lagu daydo . mahad celinna u jeediyey Madaxweynaha Puntland Prof. C/weli M. Cali Gaas dadaalkiisa dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo jidka Ceeldaahir-Ceergaabo ka mid yahay .

Maalmahan waxa gobolka Sanaag safar shaqo ku joogey xubno ka mid ah guddiga Wadada oo kala ah : Guddoomiye ku xigeenka guddiga Shiikh Cali Ceelaayo , Xaaji Cabdi Xundhur iyo Maxamuud Faarax Bile (Cunbul

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*