16th April 2024  admin  Category :

Safiirkii hore ee Turkiga oo ku baaqay in Beesha Caalamka inay indhaha ku hayso Arrimaha Soomaaliya

Safiirkii hore ee Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya Dr C. Kani Torun ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay ku baraarugto halis ka soo fool leh dalka Soomaaliya.

Dr Torun ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in loo baahan yahay in Beesha Caalamka ay u noqoto digniin hadalkii uu xalay jeediyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale Dr Torun waxa uu xusay in aan xilligan qaarada Afrika loogaga baahnayn kaligii taliye iyo in dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daato.

“Afrika uma baahna kaligii taliye kale ama dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daato, Beesha Caalamka waa inay dhaqso wax uga qabataa intay goori goor tahay”ayuu yiri Dr Torun ooh ore u soo noqday safiirkii hore ee Soomaaliya iyo lataliyaha ra’iisul wasaaraha Turkiga.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa hadal uu ka jeediyay xalay magaalada Garowe waxaa uu ku eedeeyay madaxweynaha xilligiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu doonayo inuu dalka sii xukumo oo uusan raali ka ahayn doorasho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*