18th April 2024  admin  Category :

Labo Cisho ka hor, waxaan dhegaysanayey Hooyo Soomaaliyeed ee  ku nool degmada Hadaaftimo ee goblka Sanaag, iyada oo leh waa argagxsanahay oo waxa nala dul keenay labaatn Tikniko ah , oo waxaan u  cabsi qabnaa Caruurta iyo waayeelka aan qaxi karin sidii aan ka yeeli lahayn,  marka SNM sidii dhaqanka u ahayd ay xabbadaha  nagu furaan.

Inataa markaa dhegaystay, hase ahaatee aan ogahay in ciidamo badan oo Puntland ah ayna ka fogayn Hadaaftimo oo amnigoodu sugan yahay reer hadaaftimo,  ayaan waxaan  furay meelaha Bulahada Soomaaliyeed ku  kulmaan. Waxaan ugu horaysiisyey koox kaligood xariifyada  ah, oo afka Ingiriis wax ku qura  oo ka soo wada  jeeda beesha Daaroood.

Markiiba waxay Ishaydu ku dhacday qoraalkiisa  Cabdisalaam Caato, oo ahaa afhayeenkii hore ee dawladdii  Cumar Cabdirashiid, kana  soo jeeda beesha Xerta, ee Goldogob qaybta ka degta. Waxaan qoraalkiisii ka mid ahaa.  ”  Dadyahoow Soomaaliyeed waa inaynu daacd noqonaa, Walaalaheena Somaliland aad ayeey inooga horeeyaan Inaga . Waa inaynu  u hambalyeeynaa  guushooda  , kheyrna u rajeeynaa.

Bulshada ku nool gobolada  Sanaag iyo Sool  marna ku ducayn maayaan in Soomaaliya labo loo lakala  gooyo. Cabdisalaam caato , hadaad aaminsan tahay Daarood oo kala qaybiyo waqooyi iyo Koonfur   in beesha Leelkase  ee aad ka soo jeedo ay  saami fiican  ka heli doonaan Koonfurta Soomaliya xisaab khaldan ayaad isku dhufatay, waxaadna u geftay Qarankii shalay  kaa dhigtay afhayeenka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*