16th April 2024  admin  Category :

Wasiiro Somaliland oo lagu horJoogo Hadaaftimo

Maxaa Cusub !Wasiirka Gaadhanhiga Somaliland Ciise Ahmed Y.Xawar ayaa Xalay Guduudi si dhuumasho ah ku galay Hadaaftimo isaga oo la soo hadlay Suldaan Said Abdisalaam oo Hadaaftimo fadhiisin u ah.

Maxaa dhacay Dabadeed!

Puntland ayaa ka war heshay markii ay Tuka-raq ka soo Baxeen waxana loo diray Gaadiid Dagaal oo Sanaag joogay Ogaalkay Taliyihii Aaga Sanaag ee Puntland Coll Cashuur wuxuu Fasax u joogaa Dalka India hase ahaatee wuxuu Amray ciidamadiisa inay Talaabo Qaadaan

Maxaa Dhacay Dabadeed?

Suldaanka ayaa Diidan in Wasiirka Somaliland & Ciidamadiisu ay Hadaafimo ka laabtaan kuna adkaysanaya inay Badhan tagaan,Puntland ciidamadeed waxay Gaysay duleedka Hadaaftimo oo ay difaac ka xidheen.

Madaxaweynaha Puntland Muxuu yiri.

Madaxaweynaha Puntland oo arrintani gaadhay oo Suldaanku la hadlay wuxuu balan-qaaday in Wasiirka loo ogolaado inuu Badhan yimaado hadii aanu Dhib-wadin!-uuna la soo hadlayo ciidamada Pl ee Jooga Sanaag.

Yaa Wasiirka la socda!

Wasiirka Somaliland waxa weheliya Taliyaya Booliska G.Sanaag Ahmed Gigiroor & Dhowr Gaadhi oo Tigniko ah ujeedkiisaanu wuxuu ahaa inuu Badhan isku soo Sawiro Sidii uu Taangigii Tukaraq Sawirka ugu soo Galay Si Muuse Biixi loo tuso in Dhulkii la Xoreeyay.

#Cadami Wuxuu ahaa Caaqil

Ahmed Haaji Ali Cadami oo ahaa Wasiirkii Gaashanadhig xukuumadii Siilaanyo Wuxuu ahaa Wayeel Xaajo-gal ah oo Maskaxdiisa ku mareeya xalaadaha Siyaasadeed ee Gobolka Marnaba kama aysan Suuroobi jirin in uu Colaad & isku dhaca ka abuuro Gobolka.

Ciisow Hadii aad Hadaaftimo ka laabatid Xilka Waayi- maysid Boqol jeer buu Cadami Ceerigaabo dib uga Noqday!

Jamac Feyte Musharax Madaxaweyne 2019-#Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*