28th March 2024  admin  Category :

Labadii wasiir oo ka cabanayey Xigtada Ra’isul wasaaraha Soomaaliya,  mid ka mid ah ayaa xilkii iska casishay

Wasiirkii Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim ayaa iska casishay xilkeeda, ka dib marki ay ka shaqayn wayday Mooryaan lagu soo daabulay xafiiskeeda oo ka socday  Ra’isul wasaaraha Somaaliya Xasan Kheyre

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wasiirada ay ku wargelisay Wasaaradda inay iska casishay xilkeeda, isla markaana ay dhowaan faah faahin doonto sababaha ay isu casishay.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa jiray  isku dhac u dhaxeeyay Wasiirada iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku saabsanaa howlaha Wasaaraddeeda.

Sidoo kale  dhibkan mid la mid haystaa wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa, oo isaguna xafiiskiisa ay khal khal geliyeen Mooryaan ka socota xafiiska Ra’isul wasaaraha

Madaxda Daarood iyo awoodooda Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*