19th March 2024  admin  Category :

Wasiirka Maaliyadda X.F.S oo ka qeyb galay Shirka Wasiirrada Maaliyadda Afrika

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,  ayaa Aalada fogaan Aragga waxaa uu uga qeyb galay Shirka Wasiirrada Maaliyadda dalalka Afrika, Bangiga Adduunka iyo IMF.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray  arrimaha soo kabashada dhaqaalaha iyo la jaan qaadidda horumarka Digital ka ah ee Adduunka, maadaama Soomaaliya ay kamid tahay dalalka ka soo kabanaya burburka dhaqaale.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in ka qeyb galka Shirkan uu muhiim u ahaa Horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Dalka.

Wasiir  Beyle,  ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay Dowladda Burundi oo shirkaan maanta marti galisay , si looga hadlo soo kabashada iyo kor u qaadida dhaqaalaha wadamada Afrika oo xilligaan badankood uu hoos u dhac ka muuqdo.

Dowladda Soomaaliya ayaa Afartii sano ee la soo dhaafay ku dadaleeysay sidii dalka looga cafin lahaa deymahi lagu lahaa, taasi oo keentay in dalal dhowr ah ay Cafiyaan deymahii ay ku lahayeen Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*