26th March 2024  admin  Category :

Wasiir Cabdirashiid iyo agaasimihiisa Karar Shukri Doomeey, ayaa jaaliyadda Norwey la kulmay

Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federalka Somaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa kulan casho ah xalay la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool magaalada Oslo ee xaruta dalka Norway.

 

Wasiir Cabdirashiid oo uu booqashadiisa Norway ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Eng, Karar Shukri Doomeey ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay booqasho howl shaqa ah ku joogay magalada Stavanger oo ku taal bartamaha Norway, halkaasi oo ay uga qeyb galayeen Shirka Caalamiga Wadamada Shidaalka Adduunka oo sanadkan ay ka qeyb galeen in ka badan 40 dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Wasiirka iyo wafdigiisa oo shirka markuu soo dhaamaaday soo gaaray Caasimadda Norway ee Oslo ayaa waxaa habeenkii xalay ahaa ay kulan casho sharaf ah la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway.

Kulanka cashada oo ahaa mid soo dhoweynta Madaxda ka so kow ay Jaaliyaddu ku weydiisay su`aalo, laguna kala warqaatay ayaa geba gebadiisa waxa uu Jaaliyaddu kula dardaarmay in wax barashada iyo nolasha fiican ee Norway kadib dib loogu soo noqdo wadankii, lagana qeyb qaato dib u dhiska dalka.

Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ayaa waxa uu xafiiskiisa ku booqday Agaasimaha Guud Macdant iyo Batroolka Norway Mr Peter Stigset, taasoo uu Wasiirku sheegay inuu kulanka dabasocday howlihii ay u yimadeen Norway oo ahaa horumarinta dadaalada ay Dowladda Soomaaliya iyo Wasaaradiisuba ay ugu jiraan horumarinta ka sal gaaridda howlaha Kheyraadka Dalkeena.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*