29th March 2024  admin  Category :

Wasiir Soomaaliyed oo Gabadhiisii xil uga magcaabay Wasaaraddiisa,

Sii-hayaha wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa dhexda ka galay fadeexad kadib markii uu gabadhiisa xil uga magacaabay wasaaradda.

Bilowgii bishaan ayuu wasiirka Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta u magacaabay Sumaya Cabdirashiid Maxamed, waxaana ku xigtay inuu amray dhamaan xiriirada wasaaradda ay maamusho.

Bishii lasoo dhaafay Gudoomiyaha Guddiga Batroolka Soomaaliyeed Ibraahim Cali Xuseen ayaa sameeyay xiriiro caalami ah uu la yeeshay Shirkado iyo Hay’ado ku lug leh arrimaha shidaalka iyo Qandaraasyada lagu iibinaayo xirmooyinka shidaal ee la baarayo.

Talaabadaas ay guddiga qaadeen waxey wasiirka ku qasabtay inuu magacaabo madaxa xiriirka iyo warbaahinta kana dhigo gabadhiisa si uu xaalad walba ula socdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*