18th April 2024  admin  Category :

Wasiiradii uu ku jiray wasiirkii Xaaraanta ahaa ee Faroole soo Xushay oo la ansixiyey

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa horgeeyey Golaha Xukuumadda dowladda Puntland ee cusub Golaha Wakiillada dowladda Puntland oo ku gudajira hawl-maalmeedkooda shaqo ee kal-fadhiga 43-aad fadhigiisa 19-aad.

Fadhiga 19-aad ee lagu ansixinayo Golaha Wasiirada dowladda Puntland ee la soo dhaariyey, ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo ku-xigeenadiisa, mudanayaasha Golaha Wakiillada dowladda Puntland, Golaha Wasiirada cusub ee Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa khudbad  ka horjeediyey Golaha Wakiillada Puntland taasi oo uu kaga hadlayo arrimo ay kamid ahaayeen siyaasadda, amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*