27th March 2024  admin  Category :

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Puntland Aamino Xadhigle ayaa gaadhey magaalada Yube ee gobolka Sanaag.

Wasiirka ayaa MCH ka magaaladaas gaadhsiisey dawooyin iyo qalab caafimaad oo MCH ku u baahnaa .

Sawirka Gobolka Sanaag.

Sawirka Gobolka Sanaag.

Bulshada Yube ayaa ka mahad celiyey wax qabadka Wasaarada Caafimaadku la garab taagan tahay MCH ka magaaladaas oo bulshada adeegyo caafimaad siiya .

Dawlada Puntland ayaa wax qabad la taaban karo ka samaysay magaalada Yube , gaar ahaan xiligii abaarta , waxana ka mid ah
1. raashin si joogta ah loo siin jirey 300 qoys oo ku dhaqan magaalada Yube (Food Voucher).
2. Biyo dhaan loo sameeyey dadka ku hareeraysan degaanka Yube.
3. Koox caawisa dadka nafaqo daradu hayso oo mudo labo bilood ah ka hawl gelayey degaankaas.
4. Dawooyin iyo qalab caafimaad oo la gaadhsiiyey .

Dhowaan waxa dayactir lagu samayn doonaa Ceel biyood ka magaaladaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*