18th April 2024  admin  Category :

Shaqada Wasiirka Arrimaha Gudaha DF ee Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah sidii jawaab degdeg ah uu uga bixin lahaa haddii dalka ay ka dhacdo masiibo bani’aadanimo.

Hadaba, wasiirkii dhammaa oo ay aheed inuu hawlahaa isku-dubbarido, ayaa ah mid ku mashquulsan doorasho iyo dagaal uu ka waddo Galmudug. Keebaa habboon in ahmiyad gaar ah la siiyo doorasho iyo masiibo taagan oo ay tahay in wax laga qabto?

Haddii masiibo ay ka dhacdo dalka meel ka mid ah, waxaa wasiirka looga baahnaa inuu isku-dubbarido sidii jawaab degdeg ah looga bixin lahaa masiibadaas oo ay ka mid tahay sidii loo diyaarin lahaa raashin, wax lagu seexdo, teendhooyin ama baco dadka ay guryo ku meel gaar ah ka dhistaan, iyo sidii loo yareen lahaa dhibaatada ka dhalatay masiibada.

Maanta ma jirto guddi jooga Baladweeyne iyo meelaha kalle ee fatahaadaha ay ka dhaceen oo gargaarka imanaya lagu wareejiyo, dabadeedna iyaga lagula xisaabtamo wixii si xun loo maamulo, waxaa meel kasta ka taagan is dhinac yaac iyo fawdo taas oo sahli karta in gargaarka la leexsado. Welli gargaarka wuu imanayaa:

Dad ayaa lacago soo dhiibay ama soo dhiibi doona, marka yaa lagu wareejiyey ama lagu wareejin doonaa oo lagulla xisaabtami doonaa?

Raashin iyo agabyo kalle ayaa laga soo ururiyey gobolada dalka, yaa lagu wareejiyey oo lagalla xisaabtamayaa?

Wadamo ayaa raashin keenay ama keeni doona, yaa lagalla xisaabtamayaa in la gaarsiiyey dadkii loogu talagalay?

Hadaba, wasiirkii dhamaa oo ay aheeyd inuu hawshaa isku-dubbarido, xaqiijiyana inaan la musuqmaasuqin gargaarka, waa mid ku mashquulsan fullinta danaha shaqsiyaad ka fakiraya sidii ay maamulada dalka ulla wareegi lahaayeen iyo ineey ku guulleeystaan doorashada soo socota si xaaraan ah. Wasiirkana waxeey aheed inuu dib u dhigo doorashada Galmudug, xoogana uu saaro sidii loo caawin lahaa dadka la daalaa dhacaya fatahaadaha ee aan heeysan meel ay seexdaan iyo waxeey cunnaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*