28th March 2024  admin  Category :

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo maanta hubin iyo baaritaan ku samaysay 10 qof oo reer Puntland ah oo diyaarada Daalo ay keentay Garowe.

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo gudanaysa waajibaadkeeda ka saaran badqabka muwaadiniinta reer Puntland ee ka soo laabanaya dalka dibadiisa iyo kuwa dalka jooga ayaa maanta hubin iyo baaritaan ku samaysay in ka badan 10 qof oo diyaarada Dallo Airline oo ka soo qaaday dalka Kenya.

Agaasimaha waaxda caafimaadka guud ee wasaaradda caafimaadka Dr Ali diiriye ayaa warbaahinta kula hadlay garoonka waxaana uu sheegay “ inay ka wasaradd ahaan maanta garoonka u yimaadeen sidii loo hubin lahaa badqabka dadka garoonka ka soo dagaya, waxaana dhamaantood ka xaqiijinay inay haystaan warqad baaritaan oo cadaynaysa inay ka badqabaan Covid19.”

Image may contain: one or more people, people standing and indoor

Waxaan dhamaatood sidoo kale garoonka gudihiisa kooxda caafimaadka ay ka hubiyeen xaaladooda waqtigan, waana ku faraxsanahay in dadkan ay wada haystaan warqada cadaynaysa inay ka badqabaan xanuunka”

Image may contain: one or more people, people sitting and indoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*