29th March 2024  admin  Category :

Wasaarada Dekedaha oo Xirtay Marsadii Kalluunka Ee Suuqa Necfish-Bosaaso.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland, oo la ogaysiiyay dhammaan laamaha dowladda ay khusayso, ayaa lagu amray ganacsatada kalluunka in ay isaga’ guuran, marsada iyo suuqa ganacsiga kalluunka ee ku yaalla gudaha dekedda Boosaaso, laga bilaabo 5-ta bishan Maarso ee ku beegan maalinta Taaladada.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay, in nawaaxiga dekedda Boosaaso laga mamnuucay, dhammaan gaadiidkii kalluumeysiga ee ka shaqeyn jiray halkaasi, waxaana lagu wargeliyay in gaadiidka laga joojiyay aga’gaarka dekedda.

Go’aankan ayaa sida qoraalka ku xusan loo qaatay, si loo adkeeyo sugidda amniga dekedda, islamarkaana looga hortago wax kasta oo shaki gelin kara nabadgelyada, iyadoo la xasuustanyahay shilkii ka dhacay xarunta Necfish ee xaydaabka dekedda oo lagu dilay Paul Anthony Formosa madaxii shirkadda P&O Ports ee dekedda Boosaaso.

Halkaan hoose ka akhriso:-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*