19th November 2018  admin  Category :

Warsangeli Heshiiska uu la galay Boqortooyada Ingiriisku waa ka duwan yahay heshiisyada kale

Heshiiska Warsangeli waa kan keliya oo uu saxiixay Suldaan Guud oo loo aqoonsan yahay hogaanka qabiilkiisa iyo maamulka dhulkiisa.

Heshiisyada kale odayaasha saxiixayaa ma le awoodaa, loomana aqoonsan markay wax saxiixayeen. Aqoonsiga la siiyey Suldaanka iyo Maamulkii Ardaaga Odayaasha Warsangeli si loo dhawro nidaamkoodii ismaamulka ee casriga ahaa waxa Ingiriiska khasab ku noqotay inuu si gaara ula galo wada hadal Odayaasha Warsangeli. Taasi waxay keentay in heshiiska Warsangeli laga ilaaliya waxkasta oo xornimadooda, maamulkooda, ku xadgudubka dhulkooda iyo iska soo gelida badooda laga ilaaliyo. Waa laga wada saaray heshiiska Warsangeliga qodobada heshiisyada qabaa’ilka kale ku jira ee wax u dhimi kara arrimahaa.

Heshiiska  Warsangeli waxa laga saaray odhaahda “the maintenance of our independence, the preservation of order …… ”  oo ah in xejintta xornimada iyo ilaalinta nidaamka iyo kala dambeynta dhulka gacanta loo geliyo Dawlada Ingriiska. Qabaa’ilka Waqooyiga ee heshiisyada saxiixay way ogalaadeen taa laakiin Odayaasha Ardaaga Warsangeli waa diideen waana laga saaray heshiiskooda. Warsangali waxaa loogu bedelay, hadday baahiyi timaado, in Warsangeli gacan siin doonaan hawlaha gaarka ee sarkaalkaa loo diro iyagaa ka wada shaqeynaya iyaga iyo Warsnageligu arrimaha caddaalada,  horumarinta kheyraadka dalka, ganacsiga, iyo arrimaha la xidhiidha nidaamka, dawlad wanaaga iyo horumarinta guud ee ilabxnimda caalamka. Faahfaahintaa dheer oo tilmaamay sida dawlada Ingiriisku u aragtay in ay Warsangeli yihiin maamul adduunka wax ku soo kordhin kara oo ay aqoonsatay nidaamka iyo horumarka Saldanada Maakhir gaartay ayey garteen iney heshiiskooda sidaa u dhigaan oo deegaanka maakhir ka dhigaan “country” halka heshiisyada kale laga dhigay qabiil wax  lala saxiixda oo laga xayuubiyey xornimadoodii oo Boqortooyada Ingiriisku ilaalineyso.

Maadaama awood xagga badda ah oo weyn Warsangeligu ay lahaayeen Ingiriisku wuxuu kaloo ka saaray odhaahda “All vessels under the British flag shall have free permission to trade at all ports and places within …“ oo ah in maraakiibta wadata calanka Ingiirsku la siiyo ogalaasha furan oo ah iney siday doonaan uga ganacsan karaan xeebaha iyo goobaha qabiilka. Maadaama nidaam iyo kala dambeyn ay leedahay Saldanada Maakhir waxay diideen in ay Boqortooyada Ingiriiska uu ogalaadaan iney maraakiibtoodu xeebahooda iska soo galaan oo dhulkooda ka ganacsadaan iyagoo aan ogolaasha Odayaasha Ardaaga Warsangeli ka heysan. Laakiin qabaa’ilka kale dhulkooda iyo xeebahooda sidii la doonaa laga yeelayey.

Waxay kaloo Ardaaga Odayaasha Warsangeli xilligaa dalbadeen in aan heshiiskoodu noqon mid furan oo suldaanada isbedelayaa dhaxlaan. Waxay diideen odhaahda qabaa’ilka kale oo dhan heshiisyadooda la raaciyey oo ah in iyaga iyo kuwa ay sii dhalaan oo dhulka dhaxli doonaa ay khasab ku tahay iney ilaaliyaan heshiiskaa waa ” their heirs and successors .”

Waxa la yaab le xeel-dheerida iyo garashada fog ee Ardaaga Odayaasha Warsangeli ee xilligaa. Maanta looyarada joogaa sida ay
Ardaaga Odayaasha Warsangeli heshiiskoodu ugu adkeysteen inuu ka duwanaado qabaa’ilka kale iyo in aan ismaamulkooda la taaban karin oo xornimadooda wax loo dhimin, in sidii dal “Country”loola galo,  in aan doonyaha iyo maraakiibta Ingiriisku iska soo geli karin dhulkooda, in aan dadka hoos yimaada Boqortooyada Ingiriiksu iska dhex mari karin iyo inaan heshiisku noqon mid furan oo Sultaan uu Sultaan ka dhaxlo.

Heshiiskaa Odayaasha Ardaaga Warsangeli ka shaqeeyeen xilligaa maanta ma sameyn karaan kuwa jooga oo xirfadaa iyo xeel dheeridaa la yaab kale oo ay xitaa ku darsadeen awooda ah in haddii Suldaan cusubi yimaado oo Ardaaga Odayaasha Warsangeli iyo Suldaanku isla gartaan in ay ka baxaan ay jebin karaan halka Soomaalida kale ay khasab ku tahay iney weligood Boqortooyada Ingiriiska ku hoos jiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*