23rd May 2019  admin  Category :

Warqad Furan (Open Letter)

May 15, 2019

Ku: Mustaf Cumar, MW Kusimaha ee Dawlad Deegaanka Soomalia

Og: Admiral Maxamed Cusman, Godoomiyaha Jabhada Xoreynta Ogaadeniya (JXO)
Mudane Cabdiraxman Maaday, Xooghayaha Good ee JXO
Mudane Cadaani Hirmooge, Afhayeenka JXO
Oday Dhaqameedyada DDS
Indheergaradka DDS

Mudane Madeweyne;

Marka hore waxaan kugu salaamayaa Salaanta Islaamka, Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wa Barakaatu.
Magacaygu waa Faysal Cabdi Rooble. Waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo Jigjiga ku dhashay qoyskayguna halkaas ayuu soo jeedo. Waxaan mudo dheer ku soo jiray halganka dheer ee Soomaali Galbeed. Markaan 14 jir ahaa ayaan dhaqdhaqaaqa dhalitii Jigjiga ku biiray. Taariikhdu markay ahay 1976 12 wiil oon ku jiro oon anigu u yaraa ayaa ku biirnay Jabhadii Soomaali Galbeed (WSLF).

Waxaa horumood ka ahaa Yuusuf Dheere (Nogob), Maxamed Cali (Gaashamo); waxa tababarayaal ka ahaa Cabdi Shimbir Gaaleri (Jarar), Mahadi Qase (Tuliguuleed), Maxamed Tube (Qoraxay). Waxa Iyana tababarayaasha dhinaca kumaandooska ka mid ahaa sadex nin oo Oromo aha uu Maxamed Cali ka keenay Carabaha – Jarjarsa, Tusje iyo Axmed Diqo (waa kooxdii Bulaxaar laga soo qabtay iyaka oo dooni ku si qarsoodi ah ku soo gal islahaa. Ragaasi markii dambe waxay ku biiraan Oromo Liberation Front).

Dalka Soomaali Galbeed aad ayaa loogu soo halgamay. Halgankii dheeraa ee deegaanka waxaa 1994 la wareegay JXO mudo hada laga joogo 30 sano iyada aayaa mulkiile ka ah. Umadan deegaanku mudo hadda laga joogo 75 sano dagaal xornima doon ah ayey ku jirtay; weliba waa marka laga reebo halganii Sayid C. Xassan.

Mudane Madexweyne, Sida aad ogtahay dhib aan la soo koobi karey oo dhimasho iyo burba baaxad leh ayaa la ina gaadhsiiyey. Xiligii Soomaliya burburtay TPLFna xukunka la wareegtay, waxa la inoogu balan qaaday daakhli ama Regional Autonomy (isxukun). Hase yeeshee halkuu balan qaad kaasi ku dambeeyey waan wada ognahay. Jab iy baaruun ayaa istiqlaalkii la inoogu badalay.

Intii uu talada la wareegay Cabdi Muxumed Cumarna (CMC) in dhib tii hore ka badan ayaa ina soo gaadhay. Adiga ruuxadaada dhib kuu gaar ah ayaa ku soo gaadhay, xanuunkana waan kula qaybsanayaa sidaan horeba kuula wadaagay. 
Ha loo kale bate, rer ama qoy Soomaali ah oon dhibi soo gaadhin la ma hayo. Eebahayse dhibtii badankeedii wuu inaga qaaday.

Mudane Madexweyne, Itobiya isbadel ayaa ka dhacay April 2018, waxanu horseeday in isbadal la taaban karo deegaankeena ka dhaco. Bishii August 2018, waxa jeelka loo taxaabay CMC; waxa badalkiisii la keenay dalwlad cusub ood adigu ka tahay ku siissime Madaxweyne, illaa inta laga gaadhayo doorasho xaq ee 2020. 
Waxa hubaal ah in laga raystay nidaamkii xaquuqal insaanka ku tuman jiray. Waxaase Mudane Madexweyne warwar igaliyey hadalada aad Addis Ababa ka tidhii usbuucan oo runtii masiirka Soomaalia gaf ku ah.

Wareysi aad madexweyne siiyaay Addistar, waxaad muujisay in aadan aaminsanay in maamulo ama dawlada Itobiya lagu sii wadi karo nidaamka Qomiyadaha ee Istiqlaalka ku dhisan. Waxaad aad uga hortimid waxa loo bixiyey Ethni Federalism, ama isxukunka qowmiyadaha Itoobiya, adigoo gafaya halganka dheer ee loo soo galay in intaasba la hanto. 
Intaas ku maa joojine waxaad sheegtay labo arimood oo walaac badan galin kara umadda Soomaaliyeed:

1. Waxaad sheegtay in dalna aanu jiri kareyn isaga oo leh ciidamo madex banaa. Waxaad arintaas ula dan lahayd in la laga takhaluso ciidamada Dawlad Deegaanadu leeyihiin. Markuu su’aasha kugu soo celiyey uu ku weydiiyey in aad talo ku darayso, waxaad ku adkaysatay in gidi ahaanba laga guuro nidaamka dawlad deeganadu leeyihiin askar u gaar ah.

2. Waxa kale ood ku dooday in jiritaanka Itobiya muqadas yahay.
Mudane Madexweyne, waxaan kala garan la’ahay in fakirkani khaas kuu yahay iyo in umadda Soomaliyeed ee deegaanku kula qabto. Ilamase aha in ay kula qabaan inta tirade badan ee Soomaalida ah.

Mudane Madeweyne, Istiqlaalakan waliba kooban waxa keenay halgan dheer. Jabhada Xoreynta Ogadeniyana nabada ay qaadatay wax gundhig u ahaa aayo katalin laga wada tashandoono. Arintaasin waxay ila tahay in Soomaali inteeda badani JXO la wadaagto. 
Waxaan oganahay in fakiro kala duwani oo ku aadan aayaha deeganku jiri karo. Shaqsi kaliyina kama talin karo ayaaha umadan Ilaahay ku manaystay halganka dheer ee soo jireenka ah.

Sidaas darteed, Mudane, waxaa kugu boorinayaa in aad arimahan aad kaga dhawaajisay umadda u sheegto in fakir adiga gaar kuu ah yihiin. Waxa kale oon ka quudareynayaa madexda JXO iyo oday dhaqameedyada iyo indheer garadka ka soo jeeda deeganka in aadan af-duubin. Ayyaha deeganka adiga ama shaqsi kaliy u khaas ma aha.

Mudane Madexweyne, waxaan jeclahay in aad kala soorto doodaha madexa banan ee fagaarayaasha laga sheegi karo iyo arimaha shaqsi masuul ahi sidaada oo kale ku hadli karo. Waxaad hadda u egtahay shaqsi school ka dootamaya waxyaabo mahadho deegaanka ku noqon karaana ay kaa soo yeedhayaan, adigoon aad uga fiirsan. 
Waxa weli deegaanku ama JXO ka soo kaban la’dahay turjumadii qaladka ahayd eed ka dhiibtay Godmiyha Maxamed Cusman markuu ka hadlaayey soo xereynta ciidamada gobonimadoonka JXO.

Sidoo kale wareysiga aad Addistar la wadaagtay muuqaal qaldan ayuu ka bixiyey hamiga iyo aayaha Soomaalida. Fadlan waxaan kaa codsanayaa in aad fakirkaaga gaarka ah iyo kan aayo katalinta umadda Soomaaliyeed aad kala saartid.

Waa bilaahi Tqofiiq.
Saaxiibkaa, Faysal Cabdi Rooble

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*