28th March 2024  admin  Category :

Wareysi: Muxuu Cumar Cabdirashiid ka yiri xil ka qaadista Khayre

Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa shalay sheegay inay xilka ka qaadeen ra’iisul wasaarihii dalka Xasan Cali Kheyre, kaasi oo saacado kadib isna sheegay inuu iscasilay.

Xil ka qaadista Kheyre ayaa waxaa dhaleeceeyey Midowga Yurub oo sheegay “in hanaanka loo maray mooshinka codka kalsooni kala noqoshada xukuumadda uusan buuxin xitaa shuruudaha ugu yar ee dastuuriga ah.”

Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in kalsooni kala noqoshada xukuumadda Kheyre ay dib u dhac ku tahay isbedellada horumar ee ka socday Soomaaliya.

Haddaba , codbixintii baarlamaanka ee shalay ma ku dhacday hab sharci ah? Eedaha loo jeediyey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ma yihiin kuwo meesha ku jira? Hakee ayey tahay in meeshan looga dhaqaaqo?

Su’aalahaa siyo kuwo kale ayaa Haaruun Macruuf waxa uu weydiiyey Ra’iisul Wasaarihi hore ee Soomaaliya Cumar Cabdilrashiid Cali Sharmarke.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*