28th March 2024  admin  Category :

Waa magaalo la wada degan yahay, oo la wada deganaan jiray oo ayna cidina gaar u sheegan karin.

Magaalo Xeebeeda Waqdariya ee gobolka Sanaag ee dhacda inta u dhaxaysa Laasqoray iyo Maydh, waxay weligeed ahayd magaalo la wada degan yahay.

Magaaladan Waqdariya oo hadda Odayaasha Urur suge ee Habar yoonis ay u qaylo dhaansanayaan Isaaq intiisa kale inay u soo gurmadaan oo saladhigyo ciidan ka samaystaan degaankaas, ayaa weligeed ahayd magaalo ay wada degi jireen beesha Urursuge ee Habar yoonis iyo Beesha Jibriil Siciid ee Warsangeli.

Daarta Dabaqa ee dunsan ee weli wax ka sii taagan yihiin magaaladaas ayaa waxa dhisay Xaaji Hoori oo ka soo jeeday Allah ha u naxariistee beesha Jibriil Siciid ee Warsangeli.

Magaaladan weligeed si nabad ah ayaa lagu wada deganaa, oo waxaan oran karnaa waa magaaladdii ugu horaysay ee Isaaq iyo Harti uu ganacsi ku wada dhex maro, sababtoo ah beesha Jibrii Siciid ee Warsangeli ayaa badeecadda ka keeni jirtay Yaman iyo Shiinaha halka beesha Urur Suge ee Habar Yoonis ay iyagu ku noolaayeen ama xoolaha ku dhaqan jireen buuraha ay hadda qaarkood dahabka ka qodanayaan, iyaga oo xoolaha ay halkaa ku dhaqan jireen buuraha kaga bedelan jiray Beesha Jibriil Siciid Sonkorta, bariiska iyo Dharka ay ka keeni jireen dalka dibadiisa

Ugu danbayn waxaan ka digaynaa in Waqdariya loo arko inay tahay magaalo Isaaq, sido kalena Odayaasha Urur suge waa inay qiraan in magaaladu tahay magaalo la wada deganaan jiray oo kheyraadkeeda si siman looga wada faaiidaysanayo

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*